Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Daawo: Dowladda Federaalka oo xirtay askar ku xadgudubtay calanka Mareykanka

Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in la xiray askar lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen fal la xiriirta muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada oo muujinayo askar la sheegay inay ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo ku…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
July 11, 2026, 4:01 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Daawo: Dowladda Federaalka oo xirtay askar ku xadgudubtay calanka Mareykanka
Share

Wararka24: Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in la xiray askar lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen fal la xiriirta muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada oo muujinayo askar la sheegay inay ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo ku xadgudbaya calanka Mareykanka, kadib markii muuqaal muujiyay shaqsiyaad ku labisan dareyska Ciidanka Xoogga Dalka oo ku istaagaya calanka.

Warsaxaafadeed ay soo saartay wasaaraddu ayaa lagu sheegay in falkaasi uu si cad uga hor imaanayo qiyamka, anshaxa iyo xirfadda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isla markaana uusan ka tarjumayn mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya ama Wasaaradda Gaashaandhigga.

Wasaaraddu waxay xaqiijisay in dadka lagu tuhunsan yahay dhacdada la xiray, islamarkaana ay socdaan baaritaanno lagu ogaanayo sida ay wax u dhaceen iyo tallaabooyinka sharci iyo anshax ee laga qaadi doono.

Sidoo kale, wasaaraddu waxay caddeysay inay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka iyo anshaxa ciidamada, iyadoo sheegtay in aan loo dulqaadan doonin fal kasta oo dhaawici kara sumcadda ciidamada ama xiriirka Soomaaliya ay la leedahay dalalka saaxiibka la ah.

Dowladda Federaalka ayaa mar kale muujisay inay qiimeyn weyn u hayso iskaashiga amniga ee kala dhexeeya Mareykanka, kaas oo ay sheegtay inuu door muhiim ah ka qaatay taageerada howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish, iyo sidoo kale horumarinta hay’adaha amniga Soomaaliya.

Gunaanadkii bayaanka, Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa xustay inay ixtiraam u hayso shacabka iyo calanka Mareykanka, isla markaana ay ka go’an tahay sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya Muqdisho iyo Washington.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

22 hours ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

23 hours ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

3 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

3 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

4 days ago
Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

4 days ago
“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.