• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Dowladda Federaalka oo wafdi u dirtay degmada Luuq

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
5 months ago
Reading Time: 2 mins read
Dowladda Federaalka oo wafdi u dirtay degmada Luuq
Share

Wararka24: Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray degmada Luuq ee gobolka Gedo, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay, iyadoo wafdigu bilaabay kulamo la xiriira xaaladda deegaanka.

Wafdigan waxaa hoggaaminaya Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed Ducaale, oo sheegay in socdaalkoodu la xiriiro wada-tashi iyo dadaallo nabadeed oo lagu xallinayo xaaladaha ka jira degmada.

Cabdirashiid Maxamed Ducaale ayaa sheegay in dowladda ay doonayso inay gogol nabadeed u fidiso bulshada degmada, si xal looga gaaro colaadaha mudada dheer ka jiray Luuq, kuwaas oo saameyn ku yeeshay nolosha shacabka iyo amniga deegaanka.

Wasiirka ayaa tilmaamay in kulamada ay la yeelanayaan waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ay salka ku hayaan sidii loo heli lahaa xal waara oo lagu soo afjaro colaadaha gudaha.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dowladda ay qorsheyneyso dib-u-habeyn lagu sameeyo ciidamada ku sugan degmada, si loo xoojiyo howl-galladooda loona xaqiijiyo xuquuqdooda, maadaama ay jiraan cabashooyin la xiriira duruufaha ay ku shaqeynayaan.

Degmada Luuq ayaa muddooyinkii dambe wajahaysay xiisado amni iyo dagaallo beeleedyo soo noqnoqday, iyadoo dowladda federaalka ay haatan dadaal ugu jirto xasilinta degmada iyo dib-u-heshiisiinta bulshada.

Socdaalka wafdigan ayaa kusoo aadaya xilli gobolka Gedo uu wajahayo xaalado siyaasadeed iyo amni oo u baahan xal degdeg ah, si loo xaqiijiyo xasilloonida iyo wada-noolaanshaha bulshada.


Share

Recommended

Mareykanka

DEGDEG: Muxu yahay Xirirka ka dhaxeeya xuutiyiiinta iyo Shabaabku + Mareykanka iyo QM oo goan culus ka soosaaray..

2 years ago
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga qeybgalo aaska….

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Qatar si uu uga qeybgalo aaska….

3 months ago
Markabka qodista shidaalka Soomaaliya oo gaaray Muqdisho

Markabka qodista shidaalka Soomaaliya oo gaaray Muqdisho

6 months ago
Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..

Turkiga Oo Fashiliyey Shirqool Basaasnimo Oo Iran Soo Abaabushay..

8 months ago
Dowladda Federaalka oo ka labatay arin Baasaboorka Saameyn ku Yeelan Laheyd

Dowladda Federaalka oo ka labatay arin Baasaboorka Saameyn ku Yeelan Laheyd

1 year ago
RUTO oo lagu eedeeyay in uu 100 million siiyey wiilkisa +Sababta?

RUTO oo lagu eedeeyay in uu 100 million siiyey wiilkisa +Sababta?

8 months ago
Wasiirka gaashandhiga Somaliland oo la kulmay wafti ka socday UK + Sawirro

Wasiirka gaashandhiga Somaliland oo la kulmay wafti ka socday UK + Sawirro

12 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.