Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Maamulka Gobolka Banaadir oo bilaabay dhismaha waddada Bakaaraha

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa bilaabay dhismaha waddada ku taalla agagaarka Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kaddib markii waddada ay saameyn ku yeesheen roobabkii ka da’ay caasimadda.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
September 2, 2026, 5:42 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Maamulka Gobolka Banaadir oo bilaabay dhismaha waddada Bakaaraha
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Maamulka Gobolka Banaadir ayaa bilaabay dhismaha waddada ku taalla agagaarka Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kaddib markii waddada ay saameyn ku yeesheen roobabkii ka da’ay caasimadda.

Mas’uuliyiinta gobolka ayaa sheegay in dib u dhiska waddada looga gol leeyahay in wax laga qabto burburka iyo dhibaatooyinka ka dhashay roobabka, iyadoo waddadan ay muhiim u tahay isku socodka dadka, gaadiidka iyo ganacsiga.

Maamulka ayaa sheegay in waddada dib loogu soo celin doono xaaladdii ay ku jirtay xilliyadii hore, iyadoo la sameyn doono dib u dayactir iyo shaqooyin lagu hagaajinayo kaabayaasha waddada.

Mas’uul sare oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa sheegay in shirkadda Docol loo xilsaaray fulinta mashruuca, isla markaana shirkaddu ballanqaadday inay shaqada ku soo gabagabeyn doonto muddo toddobaad ah.

“Waxaan rabnaa inaan ka howlgalno waddada Bakaaraha oo aan dhisno, kuna soo celino sidii bariisamaadkii ay ahaan jirtay. Shirkadda Docol ayaan siinay mashruucaas, iyaduna waxay ballanqaadday in muddo toddobaad ah ay ku dhisto waddadaas,” ayuu yiri mas’uulka.

Maamulka ayaa sidoo kale sheegay in waddada la xiri doonto muddada ay shaqadu socoto, gaar ahaan agagaarka isgoyska Bakaaraha, si loo fududeeyo howlaha dhismaha.

Shacabka Muqdisho ayaa laga codsaday inay dulqaad muujiyaan muddada toddobaadka ah ee la qorsheeyay in shaqadu socoto, isla markaana ay la shaqeeyaan hay’adaha ay khusayso si loo yareeyo ciriiriga iyo caqabadaha ka dhasha xiritaanka waddada.

Mas’uulka ayaa sidoo kale raalli-gelin ka bixiyey culaysyada ay shacabka kala kulmi doonaan xiritaanka waddada, isagoo sheegay in tallaabada loo qaaday horumarinta adeegyada iyo kaabayaasha magaalada.

Maamulka Gobolka Banaadir ee uu hoggaamiyo Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa hore u sheegay in qorshayaashiisa horumarinta caasimadda iyo dib u soo celinta bilicda magaalada ay sii soconayaan, iyadoo sidoo kale la xoojinayo dadaallada la xiriira nadaafadda iyo hagaajinta adeegyada bulshada.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

Ballidoogle oo laga hirgelinaayo xarun laga hago hawlgallada cirka

1 day ago
DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

DAAWO: Itoobiya oo Ruushka ka heshay diyaaradaha Su-35

1 day ago
Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

Muhoozi oo sheegay in la xiray darawalka Jeneraal Elwelu

1 day ago
Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

Farmaajo oo dalbaday baaritaan ku saabsan dagaalkii Jameeco

1 day ago
FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

2 days ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

2 days ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad ka abuuray Soomaaliya iyo Kenya

2 days ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

2 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.