Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Muungaab oo booqday xerada TurkSom+sawiro

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay xerada tababarka ciidamada ee TurkSom, halkaas oo lagu tababaro ciidamada kala duwan ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
May 24, 2026, 7:20 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Muungaab oo booqday xerada TurkSom+sawiro
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay xerada tababarka ciidamada ee TurkSom, halkaas oo lagu tababaro ciidamada kala duwan ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Duqa Muqdisho ayaa kulan la yeeshay saraakiisha iyo mas’uuliyiinta xerada, waxaana ay ka wada hadleen arrimo la xiriira amniga, xasilloonida caasimadda iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta u dhexeysa maamulka Gobolka Banaadir iyo hay’adaha amniga.

Mas’uuliyiinta TurkSom ayaa guddoomiyaha gobolka siiyay warbixinno ku saabsan tababarrada ciidamada, dib-u-dhiska iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyo doorka xeradu ku leedahay taageeridda dadaallada amniga ee dalka.

Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray qorshayaal lagu taageerayo shacabka danyarta ah inta lagu jiro munaasabadda Ciidul Adxaa ee soo socota. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa adeegyada bulshada iyo gargaarka loo fidinayo qoysaska nugul.

Saraakiisha TurkSom ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay sii wadista wada-shaqeynta ay la leeyihiin maamulka Gobolka Banaadir, si loo xoojiyo amniga, loo horumariyo adeegyada bulshada, loona taageero dadaallada lagu sugayo xasilloonida Muqdisho.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada maamulka Gobolka Banaadir ee lagu xoojinayo xiriirka kala dhexeeya hay’adaha amniga iyo ciidamada qalabka sida, si loo sii adkeeyo nabadda iyo horumarka caasimadda.

TurkSom ayaa ka mid ah xarumaha ugu waaweyn ee lagu tababaro ciidamada Soomaaliya, waxaana ay door muuqda ka qaadatay soo saarista cutubyo badan oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

16 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

16 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

2 days ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

2 days ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

4 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.