Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Maxkamadda Gobolka Banaadir Oo Cafis U Fidisay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta si rasmi ah u shaacisay in cafis guud loo fidiyay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), iyadoo gebi ahaanba la laalay go’aankii hore ee maxkamadda ee amarka soo qabashada, kaas oo la…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
January 29, 2026, 3:46 pm EAT
Reading Time: 2 mins read
ahmed
Share

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta si rasmi ah u shaacisay in cafis guud loo fidiyay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), iyadoo gebi ahaanba la laalay go’aankii hore ee maxkamadda ee amarka soo qabashada, kaas oo la soo saaray 27-kii November 2024.

War-saxaafadeed ka soo baxay Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in xeer-ilaalinta ay si rasmi ah dib ula noqotay dacwaddii ka dhanka ahayd Axmed Madoobe, isla markaana ay maxkamadda ka codsatay in kiiska la xiro, arrintaas oo maxkamaddu aqbashay.

Maxkamaddu waxay xustay in eedeymihii hore ee la xiriiray falal ka dhan ah wadajirka iyo midnimada qaranka—kuwaas oo xilligaas saldhig u ahaa amarka soo qabashada—aan hadda wax sharci ah ku lahayn, kadib go’aanka xeer-ilaalinta.

“Maxkamadda Gobolka Banaadir, iyada oo waafaqsan waajibaadkeeda dastuuriga ah, waxay xirtay gal-dacwadeedkii ciqaabta ahaa ee summaddiisu tahay MGB/DCL/1531/2024, kaas oo eedeysane ka ahaa Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe),” ayaa lagu yiri qoraalka maxkamadda.

Sidoo kale, maxkamaddu waxay si cad u baabi’isay amarkii hore ee soo qabashada iyo hor keenista maxkamadeed ee lagu taariikheeyay 27/11/2024, taasoo meesha ka saartay caqabadihii sharci ee hor taagnaa Axmed Madoobe.

Go’aankan ayaa la gaaray maanta oo ah 29-ka Janaayo 2026, sida lagu caddeeyay warsaxaafadeedka maxkamadda.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli la filayo in Madaxweynaha Jubbaland iyo Madaxweynaha Puntland ay dhawaan yimaadaan magaalada Muqdisho, si ay uga qeyb qaataan wada-hadallo siyaasadeed oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, kuwaas oo lagu doonayo in xal looga gaaro khilaafaadka siyaasadeed ee ka taagan dalka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

22 hours ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

23 hours ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

3 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

3 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

4 days ago
Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

4 days ago
“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.