Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo), ayaa ku baaqay in baaritaan madax-bannaan lagu sameeyo dagaalkii 26-kii Oktoobar ka dhacay deegaanka Jameeco ee degmada Buurhakaba, gobolka Baay. Farmaajo ayaa sidoo kale soo jeediyay in la kordhiyo mushaarka iyo gunnooyinka ciidamada qalabka sida.
Farmaajo, oo dhawaan Muqdisho ku soo laabtay, ayaa arrimahan ku sheegay war uu soo saaray Arbacadii, kaasoo uu tacsi ugu diray qoysaska askartii ku dhimatay dagaalka iyo guud ahaan Ciidanka Xoogga Dalka,
“Ma jirto dan siyaasadeed oo qiimaheedu gooyo dhiigga askari Soomaaliyeed,” ayuu yiri Farmaajo.
Wuxuu raaciyay in baaritaanku uu daboolo dhacdadan iyo kuwii ka horreeyay, cid kasta oo lagu waayo dayac ku yimid askartana lala xisaabtamo.
Farmaajo oo dalbaday in mushaarka ciidamada la kordhiyo
Madaxweynihii hore ayaa sheegay in mushaarka ciidamada aan wax lagu darin tan iyo kordhintii xukuumaddiisu samaysay sannado ka hor. Wuxuu ku baaqay in askarta badan ee mushaarkooda laga gooyay bilihii u dambeeyay loo soo celiyo xuquuqdooda.
Sidoo kale, wuxuu dalbaday in askarta ku dhaawacantay dagaalka la siiyo daryeel caafimaad, kuwa xaaladdoodu culus tahayna loo gudbiyo xarumo caafimaad oo awood u leh daaweyntooda.
Farmaajo ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu ku tilmaamay madaxweyne muddo xileedkiisu dhammaaday, ku eedeeyay inuu xoog ciidan u adeegsanayo xallinta khilaafaadka siyaasadeed. Wuxuu sheegay in ciidamada loo dirayo hawlgallo aan si fiican loo qorsheyn, taasoo uu ku tilmaamay mid nafta askarta khatar gelinaysa.
Dagaalka Jameeco iyo khasaaraha
Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Talaadadii war wadajir ah ku sheegay in ciidamada dowladdu ay dagaalkaas ku dileen ku dhawaad 75 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab, 56 kalena ay ku dhaawaceen. Tiradaas si madax-bannaan looma xaqiijin.
Wasaaradda ayaa sheegtay in dagaalku uu qayb ka ahaa hawlgalka Banooda, isla markaana Al-Shabaab ay adeegsadeen gaadiid walxaha qarxa laga soo buuxiyay, kuwaas oo waxyeello u geystay qaar ka mid ah gaadiidka ciidamada. Hase yeeshee, warka dowladda kama uusan hadlin tirada askarta dowladda ee ku dhimatay ama ku dhaawacantay.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in hawlgalka Banooda uu sii socon doono, iyadoo ciidamadu bartilmaameedsanayaan goobaha Al-Shabaab. Tirada rasmiga ah ee khasaaraha ciidamada dowladda ilaa hadda lama shaacin.









