Wararka24: Ciidanka Birmadka Booliiska Gaarka ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta magaalada Baydhabo kusoo bandhigay maxaabiis ay sheegeen in lagu qabtay howlgallo laga sameeyay magaalada iyo duleedkeeda, kaddib dagaal culus oo halkaasi maanta ka dhacay. Ciidamada ayaa sheegay in dadka lasoo bandhigay ay ku jiraan xubno ka tirsanaa kooxdii weerarka qaaday.
Koonfur Galbeed ayaa sheegtay in maxaabiista la soo bandhigay ay tiradoodu ku dhowdahay 20 qof. Sida maamulka uu sheegay, raggaasi waxay ka tirsanaayeen ciidamada taageersan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, kuwaas oo saaka weerar ku qaaday magaalada Baydhabo.
Ragga la soo bandhigay waxaa ka mid ahaa nin magaciisa lagu sheegay Macallin Aadan. Koonfur Galbeed ayaa ku eedeysay inuu ku lug lahaa falal ay maamulka ku tilmaamay dhibaatooyin iyo amni-darro saameeyay dadka ku nool Baydhabo, hase yeeshee faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan eedeymahaas lama shaacin.
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in howlgalada amni ay sii socon doonaan ilaa laga soo afjaro kooxaha hubeysan ee weli ku sugan duleedka magaalada Baydhabo. Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay inay wadajir uga shaqeynayaan sugidda amniga magaalada.
Dagaalkii saaka ka dhacay Baydhabo ayaa sababay khasaare, iyadoo Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ay sheegtay in ciidamada dowladda ay ka hortageen weerarkii ay soo qaadeen ciidamada taabacsan Laftagareen. Wasaaraddu waxay sheegtay in kooxihii weerarka qaaday dib loo celiyay.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda ay dileen ku dhowaad 30 xubnood oo ka tirsanaa kooxdii weerarka soo qaaday. Wasaaraddu waxay sidoo kale sheegtay in ciidamada ay gacanta ku dhigeen hub iyo gaadiid dagaal oo ay wateen kooxihii weerarka qaaday.
Si kastaba, sheegashada khasaaraha ee labada dhinac si madax-bannaan looma xaqiijin, iyadoo xaaladda Baydhabo ay weli tahay mid xasaasi ah. Howlgallada ciidamada ayaa socda, iyadoo la raadinayo xubno la sheegay inay ka firxadeen goobihii uu dagaalku ka dhacay.
Dagaalka Baydhabo ayaa kusoo beegmaya xilli xiisadda siyaasadeed iyo amni ee u dhexeysa dowladda Federaalka iyo dhinacyada siyaasadeed ee Koonfur Galbeed ay sii xoogeysanaysay. Magaalada ayaa hadda wajahaysa hawlgallo amni oo lagu doonayo in lagu xakameeyo xaaladda iyo in dib loo soo celiyo xasilloonida.










