Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Koonfur Galbeed oo soo bandhigtay maxaabiis ay saaka ku qabeen dagaalkii Baydhabo+Sawiro

Ciidanka Birmadka Booliiska Gaarka ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta magaalada Baydhabo kusoo bandhigay maxaabiis ay sheegeen in lagu qabtay howlgallo laga sameeyay magaalada iyo duleedkeeda, kaddib dagaal culus oo halkaasi maanta ka dhacay. Ciidamada ayaa sheegay…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
August 17, 2026, 2:47 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Koonfur Galbeed oo soo bandhigtay maxaabiis ay saaka ku qabeen dagaalkii Baydhabo+Sawiro
Share

Wararka24: Ciidanka Birmadka Booliiska Gaarka ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta magaalada Baydhabo kusoo bandhigay maxaabiis ay sheegeen in lagu qabtay howlgallo laga sameeyay magaalada iyo duleedkeeda, kaddib dagaal culus oo halkaasi maanta ka dhacay. Ciidamada ayaa sheegay in dadka lasoo bandhigay ay ku jiraan xubno ka tirsanaa kooxdii weerarka qaaday.

Koonfur Galbeed ayaa sheegtay in maxaabiista la soo bandhigay ay tiradoodu ku dhowdahay 20 qof. Sida maamulka uu sheegay, raggaasi waxay ka tirsanaayeen ciidamada taageersan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, kuwaas oo saaka weerar ku qaaday magaalada Baydhabo.

Ragga la soo bandhigay waxaa ka mid ahaa nin magaciisa lagu sheegay Macallin Aadan. Koonfur Galbeed ayaa ku eedeysay inuu ku lug lahaa falal ay maamulka ku tilmaamay dhibaatooyin iyo amni-darro saameeyay dadka ku nool Baydhabo, hase yeeshee faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan eedeymahaas lama shaacin.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in howlgalada amni ay sii socon doonaan ilaa laga soo afjaro kooxaha hubeysan ee weli ku sugan duleedka magaalada Baydhabo. Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay inay wadajir uga shaqeynayaan sugidda amniga magaalada.

Dagaalkii saaka ka dhacay Baydhabo ayaa sababay khasaare, iyadoo Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ay sheegtay in ciidamada dowladda ay ka hortageen weerarkii ay soo qaadeen ciidamada taabacsan Laftagareen. Wasaaraddu waxay sheegtay in kooxihii weerarka qaaday dib loo celiyay.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda ay dileen ku dhowaad 30 xubnood oo ka tirsanaa kooxdii weerarka soo qaaday. Wasaaraddu waxay sidoo kale sheegtay in ciidamada ay gacanta ku dhigeen hub iyo gaadiid dagaal oo ay wateen kooxihii weerarka qaaday.

Si kastaba, sheegashada khasaaraha ee labada dhinac si madax-bannaan looma xaqiijin, iyadoo xaaladda Baydhabo ay weli tahay mid xasaasi ah. Howlgallada ciidamada ayaa socda, iyadoo la raadinayo xubno la sheegay inay ka firxadeen goobihii uu dagaalku ka dhacay.

Dagaalka Baydhabo ayaa kusoo beegmaya xilli xiisadda siyaasadeed iyo amni ee u dhexeysa dowladda Federaalka iyo dhinacyada siyaasadeed ee Koonfur Galbeed ay sii xoogeysanaysay. Magaalada ayaa hadda wajahaysa hawlgallo amni oo lagu doonayo in lagu xakameeyo xaaladda iyo in dib loo soo celiyo xasilloonida.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

17 hours ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

2 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

3 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

3 days ago
Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

3 days ago
“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

4 days ago
Mareykanka oo diblomaasiyiin kala baxaya Sacuudi Carabiya

Mareykanka oo diblomaasiyiin kala baxaya Sacuudi Carabiya

4 days ago
Duqeyn diyaaradeed oo lagu beegsaday ciidanka Lafta-gareen

Duqeyn diyaaradeed oo lagu beegsaday ciidanka Lafta-gareen

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.