Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo shaacisay natiijada imtixaanka qaranka+Sawiro

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya ayaa shaacisay natiijada Imtixaanka Qaranka ee Fasalka 12-aad ee sannad-dugsiyeedka 2025/2026, iyadoo 40,037 arday ay ku guuleysteen imtixaanka. Natiijada ayaa muujisay in imtixaanka ay u fariisteen guud ahaan 42,916 arday.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
August 15, 2026, 5:56 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo shaacisay natiijada imtixaanka qaranka+Sawiro
Share

Wararka24: Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya ayaa shaacisay natiijada Imtixaanka Qaranka ee Fasalka 12-aad ee sannad-dugsiyeedka 2025/2026, iyadoo 40,037 arday ay ku guuleysteen imtixaanka. Natiijada ayaa muujisay in imtixaanka ay u fariisteen guud ahaan 42,916 arday.

Wasaaraddu waxay sheegtay in 2,879 arday ay ku dhaceen imtixaanka, halka inta kale ay ku guuleysteen inay ka gudbaan. Natiijada ayaa lagu dhawaaqay iyadoo ardayda, waalidiinta iyo bahda waxbarashada ay sugayeen xogta ku saabsan heerka guusha ee imtixaanka sannadkan.

Kaalinta koowaad waxaa galay Maxamed Ciise Daahir Yuusuf, oo helay 94.14 boqolkiiba, waxaana uu ka mid yahay ardayda wax ka barata Dugsiga Howl-wadaag ee Gobolka Banaadir. Kaalinta labaad waxaa gashay Farxiya Faarax Cumar Cigaal, halka kaalinta saddexaad ay gashay Aamina Khaalid Cabdalla.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo u diray ardayda kaalmaha ugu sarreeya gashay iyo dhammaan ardaydii ku guuleysatay imtixaanka. Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dabooli doonto dhammaan kharashaadka waxbarasho ee saddexda arday ee ugu sarreeya galay imtixaanka shahaadiga ah.

Xamsa Cabdi Barre ayaa khadka telefoonka kula xiriiray saddexda arday iyo waaliddiintooda, isagoo ugu hambalyeeyay natiijada ay gaareen. Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale bogaadiyay dadaalka ardayda iyo taageerada ay ka heleen waalidiintooda.

Wuxuu sheegay in guusha ardaydu ay ka dhalatay dadaal wadajir ah oo ay sameeyeen ardayda, waalidiinta, macallimiinta iyo bahda waxbarashada. Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in waxbarashadu ay tahay tiir muhiim u ah horumarka bulshada iyo mustaqbalka Soomaaliya.

Xamsa ayaa sidoo kale sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay in la yareeyo tirada carruurta Soomaaliyeed ee da’da waxbarashada gaartay balse aan helin fursad ay iskuul ku aadaan. Wuxuu xusay in maalgelinta waxbarashada iyo kordhinta fursadaha waxbarasho ay muhiim u yihiin horumarinta bulshada.

Natiijada sanadkan iyo ballanqaadka dowladda ee ku aaddan saddexda arday ee ugu sarreeya ayaa kusoo beegmaya dadaallada lagu dhiirrigelinayo waxbarashada iyo tartanka ardayda Soomaaliyeed. Wasaaradda Waxbarashada ayaa sii wadi doonta howlaha la xiriira horumarinta tayada waxbarashada iyo taageerada ardayda dalka.


Share
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.