Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Caalamka

Ciidamada Mareykanka Oo Kusii Dhow Iran, iyo Go’aan Culus oo Imaaraadka Carabta soo Saaray

27-01-2026 Xiisadda u dhaxeysa Mareykanka iyo Iran ayaa mar kale cirka isku shareertay, kaddib markii Washington ay ciidamo dheeraad ah oo dhoobtay gobolka, halka Tehran ay ka digtay cawaaqib culus haddii cadaadis milatari lagu sii wado.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
January 27, 2026, 9:55 am EAT
Reading Time: 2 mins read
iraan
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: 27-01-2026 Xiisadda u dhaxeysa Mareykanka iyo Iran ayaa mar kale cirka isku shareertay, kaddib markii Washington ay ciidamo dheeraad ah oo dhoobtay gobolka, halka Tehran ay ka digtay cawaaqib culus haddii cadaadis milatari lagu sii wado.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in markabka diyaaradaha xambaara ee USS Abraham Lincoln, oo ay wehliyaan maraakiib dagaal oo hubeysan, uu ku sugan yahay biyaha Gacanka Carabta, iyadoo ciidamada Mareykanka lagu soo warramayo inay ku jiraan heegan sare. Dowladda Mareykanka ayaa tallaabadan ku sheegtay mid lagu xoojinayo amniga gobolka, balse Iran ayaa ku tilmaantay hanjabaad toos ah.

Dhanka Iran, mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegay in dalkoodu uusan aqbali doonin wax cadaadis ah, iyagoo ku gooddiyay in jawaab adag laga bixin doono haddii la soo weeraro. Warbaahinta dowladda ayaa sidoo kale baahisay fariimo muujinaya diyaar-garow milatari iyo digniino loo diray xulafada Mareykanka ee gobolka.

Isu-tagga Imaaraadka Carabta, oo martigeliya saldhigyo Mareykan ah, ayaa dhankiisa ku dhawaaqay in uusan oggolaan doonin in dhulkiisa loo adeegsado weerar ka dhan ah Iran. Go’aankan ayaa yimid kaddib digniino ay Tehran u dirtay dalalka deriska ah, oo ku saabsan in saldhigyada shisheeye ay noqon karaan bartilmaameed haddii xiisaddu isu beddesho d-agaal furan.

Khubaro dhanka amniga ah ayaa sheegaya in dhaq-dhaqaaqyada milatari ee hadda socda ay kordhinayaan halista jawabo degdeg ah, iyagoo ka digaya in qalad yar uu horseedi karo d-agaal ballaaran oo saameeya gobolka oo dhan.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

2 hours ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

3 hours ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

3 hours ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

3 hours ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

3 hours ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

3 hours ago
Madaxweyne Ruto ee Kenya iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, sawirro kala duwan

Madaxweyne Ruto oo Moscow u ambabaxay, iyo la kulanka Putin

3 hours ago
AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

23 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.