• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, June 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Dowladda Federaalka Oo Wafdi Wasiirro Ah U Dirtay Beledweyne

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
41 minutes ago
Reading Time: 2 mins read
Dowladda Federaalka Oo Wafdi Wasiirro Ah U Dirtay Beledweyne

Wararka Ugu Aqrintabadan

Qaramada Midoobay Oo Xil Sare U Magacowday Mas’uul Soomaaliyeed

Qaramada Midoobay Oo Xil Sare U Magacowday Mas’uul Soomaaliyeed

5 hours ago
Dowladda Federaalka oo sheegtay in duqeymo lagu dilay in ka badan 30 Al-Shabaab ah

Dowladda Federaalka oo sheegtay in duqeymo lagu dilay in ka badan 30 Al-Shabaab ah

6 hours ago
Load More
Share

Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta wafdi heer wasiir ah u dirtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, si ay uga qaybgalaan munaasabad lagu xusay 49 guurada ka soo wareegtay xornimada Jamhuuriyadda Jabuuti.

Wafdiga ayaa waxaa hoggaaminayay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, waxaana qayb ka ahaa Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, Wasiiru-dowlaha Amniga Gudaha Maxamed Cali Xagaa, Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya Cismaan Dubad, xildhibaanno iyo masuuliyiin kale.

Munaasabadda ayaa lagu qabtay xarunta ciidamada Jabuuti ee ka tirsan Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ee magaalada Beledweyne, halkaas oo lagu maamuusay sannad-guurada 49-aad ee xornimada Jabuuti.

Ka qaybgalayaasha munaasabadda ayaa xusay xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, iyagoo sidoo kale bogaadiyay kaalintii Soomaaliya ay ka qaadatay halgankii xornimo-doonka Jabuuti ee lagaga soo horjeeday gumeysigii Faransiiska.

Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku sugan dalka Jabuuti, halkaas oo uu kaga qaybgalayo munaasabadaha lagu xusayo 49 sano guurada ka soo wareegtay xornimada dalkaasi oo ku beegan 27-ka Juun 1977.

Jabuuti ayaa ka mid ah dalalka sida joogtada ah u taageera Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dowlad-dhiska, amniga iyo iskaashiga gobolka.

Xilligan waxaa Soomaaliya ka socda munaasabado lagu xusayo maalmaha xorriyadda, iyadoo dhawaan la dabaal-degay 26-ka Juun, halka shacabka Soomaaliyeed ay isku diyaarinayaan xuska 1-da Luulyo oo astaan u ah midowgii gobollada Waqooyi iyo Koonfur.

Share
Tags: caasimadda MuqdishoMadax weynaha Xasan SheekhpuntlandsomaliaSomalilandwararka caalamkaWararka maantawararka mantawararka somaliaWararka24 manta
Previous Post

Qaramada Midoobay Oo Xil Sare U Magacowday Mas’uul Soomaaliyeed

Next Post

Guddiga Xuquuqul Insaanka Oo Cambaareeyay Dilalka Ka Dhacay Sool Iyo Hiiraan

Related Posts

Qaramada Midoobay Oo Xil Sare U Magacowday Mas’uul Soomaaliyeed

Qaramada Midoobay Oo Xil Sare U Magacowday Mas’uul Soomaaliyeed

by Amin Cali Abdi
5 hours ago

Wararka24: Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa magacaabay Maxamed Yahya inuu noqdo Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee...

Dowladda Federaalka oo sheegtay in duqeymo lagu dilay in ka badan 30 Al-Shabaab ah

Dowladda Federaalka oo sheegtay in duqeymo lagu dilay in ka badan 30 Al-Shabaab ah

by Amin Cali Abdi
6 hours ago

Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibbada caalamka ay fuliyeen duqeymo...

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

by Amin Cali Abdi
6 hours ago

Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay ku biirtay 15 heshiis, baratakool iyo lifaaqyo sharciyeed oo caalami...

Xiriirka Kubadda Cagta Kuwait oo si weyn u soo dhoweeyey Cumar Cartan + sawiro

Xiriirka Kubadda Cagta Kuwait oo si weyn u soo dhoweeyey Cumar Cartan + sawiro

by Amin Cali Abdi
6 hours ago

Wararka24: Garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed, Cumar Cartan, ayaa gaaray dalka Kuwait, halkaas oo uu dhexdhexaadin doono kulan...

Fiqi oo sheegay in u fashilmay shirqoolkii Galmudug kadib tanaasulkii Qoor-Qoor

Fiqi oo sheegay in u fashilmay shirqoolkii Galmudug kadib tanaasulkii Qoor-Qoor

by Amin Cali Abdi
8 hours ago

Wararka24: Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka hadlay go’aanka Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), ee...

Puntland oo ku kala aragti duwan tallaabadda abaabulka ciidamada dowladda federaalka

Puntland oo ku kala aragti duwan tallaabadda abaabulka ciidamada dowladda federaalka

by Amin Cali Abdi
1 day ago

Wararka24: Khilaafka u dhexeeya Puntland iyo siyaasiyiin dhaliilsan maamulka Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sii xoogeystay, iyadoo lagu...

Load More

Recommended

Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya shirka Midowga Afrika ee ka dhacaya Itoobiya

Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya shirka Midowga Afrika ee ka dhacaya Itoobiya

4 months ago
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay Mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay Mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay Dowlad Deegaanka Soomaalida.

5 months ago
Xeerar cusub oo Soomaalida Mareykanka ku adkeeysay lacagaha loo diro Soomaaliya

Xeerar cusub oo Soomaalida Mareykanka ku adkeeysay lacagaha loo diro Soomaaliya

4 months ago
Kenya oo shaacisay 15 sano kaddib in ay dib u furayso xuduudda ay la wadaagto Soomaaliya

Kenya oo shaacisay 15 sano kaddib in ay dib u furayso xuduudda ay la wadaagto Soomaaliya

4 months ago
Degmada Balcad

Xaaladda Balcad Oo Kacsan: Dowladda Soomaaliya Oo Jawaab Adag Ka Bixisay Weerarkii Al-Shabaab + SAWIRO

1 year ago
Xasan Sheekh oo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed kuso dhaweeyey Madaxtooyada Qaranka

Xogtii ugu dambeysay shirka u dhexeeyay DF iyo Golaha Mustaqbalkaee Villa Soomaaliya

4 months ago
Xildhibaanad Gobsan

Daawo: Xildhibaan Gobsan. Difaaca Somaliland waa waajib sida shanta salaadood.

11 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.