• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Monday, September 28, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
3 months ago
Reading Time: 3 mins read
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka
Share

Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay ku biirtay 15 heshiis, baratakool iyo lifaaqyo sharciyeed oo caalami ah oo khuseeya arrimaha badaha, iyadoo tallaabadan lagu tilmaamay tii ugu ballaarneyd ee lagu horumarinayo nidaamka sharciyeed ee badda tan iyo xornimadii dalka.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ayaa lagu sheegay in heshiisyadan ay xoojinayaan awoodda Soomaaliya ee dhinacyada badqabka maraakiibta, amniga badaha, ilaalinta deegaanka badda iyo fududeynta ganacsiga caalamiga ah ee gaadiidka badda.

Wasaaraddu waxay xustay in Soomaaliya oo leh xeebta ugu dheer Afrika isla markaana ku taalla marin-biyood istiraatiiji ah ay tan iyo sanadkii 1960-kii ku biirtay saddex heshiis oo keliya oo la xiriira arrimaha badaha, halka hadda la qaaday tallaabo ballaaran oo lagu casriyeynayo nidaamkaas.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, ku biirista heshiisyadan ayaa meesha ka saaraysa caqabado muddo dheer hortaagnaa ka mid noqoshada Soomaaliya ee nidaamka caalamiga ah ee gaadiidka badda, waxaana la filayaa inay sare u qaaddo kalsoonida maalgashadayaasha iyo shirkadaha ka shaqeeya gaadiidka badda.

Heshiisyada cusub ayaa isugu jira kuwo la xiriira baadigoobka iyo samatabbixinta badda, tababarka iyo shahaado-siinta badmaaxiinta, ka hortagga isku dhacyada maraakiibta, ilaalinta badbaadada nolosha badda iyo la dagaallanka wasakhowga deegaanka.

Waxa kale oo heshiisyadan ay khuseeyaan magdhowga waxyeellada deegaanka, xoojinta amniga badaha iyo horumarinta hannaanka ganacsiga caalamiga ah ee ku saleysan gaadiidka badda.

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ayaa sheegtay in tallaabadan ay qeyb ka tahay qorshaha dib-u-habaynta hay’adaha dowladda, isla markaana ay waafaqsan tahay himilooyinka DanQaran iyo Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa aaminsan in ku biirista heshiisyadan ay Soomaaliya u horseedi karto fursado cusub oo dhinacyada maalgashiga, ganacsiga iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha badda.


Share

Recommended

Shan hab oo fudud oo lagu yareeyo baruurta caloosha

Shan hab oo fudud oo lagu yareeyo baruurta caloosha

6 months ago
Xawaadle

Daawo Beesha Xawaadle oo uhanjabtay DF Hadi xilka NISA laga qaado Sanbaloolshe! + faahfaahin?

1 year ago
Trump oo ka carooday weerarki ay Israel ku qaaday Iran

Trump oo ka carooday weerarki ay Israel ku qaaday Iran

1 year ago
DAAWO: Mucaaradka oo Xasan Sheekh ku eedeeyay in sharci darro ku dagan yahay Villa Somalia

DAAWO: Mucaaradka oo Xasan Sheekh ku eedeeyay in sharci darro ku dagan yahay Villa Somalia

4 months ago
Arday

DAAWO: Arday kaalinta koowaad ka galay imtixanki dowlada oo Lagu Dilay Muqdisho

1 year ago
Saxafiyad Iiraani ah oo 15 sano oo xabsi ah lagu xukumay

Saxafiyad Iiraani ah oo 15 sano oo xabsi ah lagu xukumay

4 weeks ago
Somaliland oo shaacisay in ay burburisay shabakad aysoo direen……

Somaliland oo shaacisay in ay burburisay shabakad aysoo direen……

7 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.