• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Monday, September 28, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Dowladda Federaalka oo magacawday Golaha Haweenka Qaranka Soomaaliyeed

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
3 months ago
Reading Time: 2 mins read
Dowladda Federaalka oo magacawday Golaha Haweenka Qaranka Soomaaliyeed
Share

Wararka24: Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u magacawday Golaha Haweenka Qaranka Soomaaliyeed, iyadoo sheegtay in tallaabadan lagu xoojinayo ka qaybgalka haweenka ee hoggaaminta, siyaasadda iyo horumarinta dalka.

Warsaxaafadeed ay soo saartay wasaaraddu ayaa lagu sheegay in magacaabista golaha ay ku saleysan tahay qodobbada Dastuurka Federaalka Soomaaliya iyo xeerarka nidaamka xukuumadda, kuwaas oo taageeraya sinnaanta, ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo ka qaybgalka muwaadiniinta.

Wasaaraddu waxay sheegtay in Golaha Haweenka Qaranka Soomaaliyeed uu noqon doono gole qaran oo talo-bixin, isku-duwid iyo matalaad u ah haweenka, isla markaana si dhow ula shaqeyn doona Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka.

Sidoo kale, waxaa lagu sheegay in golahan uu door ka qaadan doono horumarinta siyaasadaha, istiraatiijiyadaha iyo barnaamijyada lagu xoojinayo sinnaanta jinsiga iyo ka qaybgalka haweenka ee dhinacyada siyaasadda, bulshada iyo dhaqaalaha.

Golaha cusub ayaa ka kooban 10 xubnood oo lagu soo xulay aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda. Guddoomiyaha Golaha waxaa loo magacaabay Naciimo Ibraahim Yuusuf, Guddoomiye Ku-xigeenna waxaa loo magacaabay Faaiza Cali Boolaay, halka Aamina Axmed Samatar loo magacaabay Xoghayaha Guud.

Xubnaha kale ee Golaha Haweenka Qaranka Soomaaliyeed ayaa kala ah Maryan Taqal Xuseen, Aamina Axmed Cali, Caasho Maxamed Caraaye, Nuurto Aadan Xasan, Fadumo Aadan Cusmaan, Ayaan Saciid Tukaale iyo Sacdiyo Cabdiraxmaan Xuseen.


Share

Recommended

Shan hab oo fudud oo lagu yareeyo baruurta caloosha

Shan hab oo fudud oo lagu yareeyo baruurta caloosha

6 months ago
Xawaadle

Daawo Beesha Xawaadle oo uhanjabtay DF Hadi xilka NISA laga qaado Sanbaloolshe! + faahfaahin?

1 year ago
Trump oo ka carooday weerarki ay Israel ku qaaday Iran

Trump oo ka carooday weerarki ay Israel ku qaaday Iran

1 year ago
DAAWO: Mucaaradka oo Xasan Sheekh ku eedeeyay in sharci darro ku dagan yahay Villa Somalia

DAAWO: Mucaaradka oo Xasan Sheekh ku eedeeyay in sharci darro ku dagan yahay Villa Somalia

4 months ago
Arday

DAAWO: Arday kaalinta koowaad ka galay imtixanki dowlada oo Lagu Dilay Muqdisho

1 year ago
Saxafiyad Iiraani ah oo 15 sano oo xabsi ah lagu xukumay

Saxafiyad Iiraani ah oo 15 sano oo xabsi ah lagu xukumay

4 weeks ago
Somaliland oo shaacisay in ay burburisay shabakad aysoo direen……

Somaliland oo shaacisay in ay burburisay shabakad aysoo direen……

7 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.