• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Monday, September 28, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
3 months ago
Reading Time: 2 mins read
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya
Share

Wararka24: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa sheegay in Soomaaliya ay si weyn uga soo kabatay dhibaatooyinkii ka dhashay burburkii dowladnimada iyo colaadihii sokeeye ee muddada dheer saameynta ku yeeshay dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Soomaaliya ay soo martay marxalado adag oo dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo nolosha bulshada ah, balse ay haatan ku tallaabsaneyso waddo dib u dhis iyo xasillooni. Wuxuu xusay in horumarka laga gaaray dhinacyo kala duwan uu muujinayo isbeddelka ka socda dalka.

Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale sheegay in dalalkii iyo hay’adihii caalamiga ahaa ee hore uga fogaaday Soomaaliya ay dib ugu soo laabanayaan, iyagoo muujinaya daneyn ku aaddan maalgashi iyo iskaashi dhaqaale.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in kalsoonida caalamka ee Soomaaliya ay sii kordheyso, taas oo uu ku sababeeyay dib u dhiska hay’adaha dowladda, dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo horumarka laga sameeyay dowladnimada.

“Caalamkii naga tegay ayaa maanta dib noogu soo noqonaya isaga oo inoo baahan oo dalka maalgashanaya. Dalka horay ayuu u socdaa, meel walibana wuu ka soo kabtay, dibna uma noqon doonno, waxaana u gudbaynaa dhismo, nabad iyo xalal waara,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Hadalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku soo beegmaya xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu horumarinayo dhaqaalaha, lagu soo jiidanayo maalgashiga dibadda iyo xoojinta xiriirka ay la leedahay beesha caalamka, iyadoo mas’uuliyiinta dowladda ay marar badan sheegeen in dalka uu galay marxalad cusub oo dib u soo kabasho ah.


Share

Recommended

Shan hab oo fudud oo lagu yareeyo baruurta caloosha

Shan hab oo fudud oo lagu yareeyo baruurta caloosha

6 months ago
Xawaadle

Daawo Beesha Xawaadle oo uhanjabtay DF Hadi xilka NISA laga qaado Sanbaloolshe! + faahfaahin?

1 year ago
Trump oo ka carooday weerarki ay Israel ku qaaday Iran

Trump oo ka carooday weerarki ay Israel ku qaaday Iran

1 year ago
DAAWO: Mucaaradka oo Xasan Sheekh ku eedeeyay in sharci darro ku dagan yahay Villa Somalia

DAAWO: Mucaaradka oo Xasan Sheekh ku eedeeyay in sharci darro ku dagan yahay Villa Somalia

4 months ago
Arday

DAAWO: Arday kaalinta koowaad ka galay imtixanki dowlada oo Lagu Dilay Muqdisho

1 year ago
Saxafiyad Iiraani ah oo 15 sano oo xabsi ah lagu xukumay

Saxafiyad Iiraani ah oo 15 sano oo xabsi ah lagu xukumay

4 weeks ago
Somaliland oo shaacisay in ay burburisay shabakad aysoo direen……

Somaliland oo shaacisay in ay burburisay shabakad aysoo direen……

7 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.