• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Xisbiga Himilo Qaran oo digniin ka bixiyay dhammaadka BF

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
5 months ago
Reading Time: 2 mins read
Xisbiga Himilo Qaran oo digniin ka bixiyay dhammaadka BF
Share

Wararka24: Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa digniin culus ka bixiyay dhammaadka muddo xileedka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, oo ku ekaa 14-ka April 2026. Xisbiga ayaa arrintan ku tilmaamay mid halis gelin karta nidaamka dowladnimada dalka.

War-saxaafadeed kasoo baxay xisbiga ayaa lagu sheegay in dhammaadka muddada hay’adda sharci-dejinta uu dhaawac ku yahay geedi-socodka dowlad dhiska. Xisbiga ayaa xusay in Baarlamaanka uu yahay tiirka ugu muhiimsan ee sharciyadda dowladeed, isla markaana maqnaanshihiisu keeni karo jahwareer sharci iyo mid siyaasadeed.

Sidoo kale, xisbiga ayaa ka digay in haddii aan si degdeg ah xal loogu helin xaaladda, ay dhalan karto firaaq dastuuri ah ama muddo dhaaf sharci darro ah, taas oo sii wiiqi karta hay’adaha dowladda iyo kalsoonida shacabka.

Xisbiga Himilo Qaran ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay tallaabooyin uu sheegay inay hal dhinac yihiin oo ay qaadeyso dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaas oo ay ku tilmaameen kuwo khatar ku ah hannaanka siyaasadeed ee dalka.

Dhanka kale, siyaasiyiinta mucaaradka ah oo ay xulafo la yihiin maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubaland ayaa fariimo u diray beesha caalamka, iyagoo ku baaqay in la kordhiyo cadaadiska diblomaasiyadeed si xal loogu helo muranka siyaasadeed.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli uu weli taagan yahay khilaaf xooggan oo ku saabsan nooca doorasho ee dalka loo jiheynayo iyo wax ka beddelka dastuurka Kumeel gaarka ah ee 2012.

Si kastaba, xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa wajahaysa marxalad xasaasi ah, iyadoo loo baahan yahay wadahadal iyo heshiis loo dhan yahay si looga fogaado qalalaase siyaasadeed oo hor leh.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.