• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 26, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Golaha Wasiirrada Oo Soo Saartay Go’aanno Culus, Digniin Adagna U Diray Shacabka + Faahfaahin

Abdirahman Dahir by Abdirahman Dahir
2 years ago
Reading Time: 4 mins read
Golaha Wasiirrada
Share

Golaha Wasiirrada
Shirki manta golaha wasirada Soomaaliya

Wararka24: Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa shir ay yeesheen, oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, Saalax Axmed Jaamac, waxa ay kasoo saareen go’aanno culus oo la xiriira sugidda amniga dalka.

Kulanka Golaha Wasiirrada ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta, iyadoo la bogaadiyey guulaha ay soo hooyeen ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha deegaanka ee ka qeyb qaadanaya dagaalka lagula jiro argagixisada.

Go’aannada Ay Soo Saareen Golaha Wasiirrada

  1. Bogaadin Ciidan: Golaha Wasiirrada ayaa si weyn u bogaadiyey guulaha ay ciidamada Qaranka iyo ciidamada madaniga ah ka gaareen dagaalka Khawaarijta, iyagoo dhiirrigeliyey dadaallada socda.
  2. Mamnuucista Wararka Been Abuurka Ah: Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale xusuusisay muwaadiniinta in ay mamnuuc tahay faafinta wararka been abuurka ah ee la xiriira amniga dalka, taasoo lagu baahiyo warbaahinta iyo baraha bulshada. Qofkii lagu helo fal noocan ah waxa uu wajahaya tallaabo sharci ah oo adag, waxaana lagu ciqaabi doonaa si waafaqsan sharciga dalka.
  3. Ciqaabta Dadka Ku Lug Yeelanaya Falal Argagixisanimo: Waxaa sidoo kale go’aanka lagu xusay in qof kasta oo u ogolaada in gurigiisa, goobtiisa ganacsi ama gaadiidkiisa lagu fuliyo falal amniga wax u dhimaya, lala tiigsan doono sharci adag. Sida ku cad xeerka ka hortagga iyo la dagaallanka argagixisada, qofkaas waxa uu la mid noqonayaa qof si toos ah uga qeyb qaatay falal argagixisanimo.
  4. Digniin Ku Socota Shacabka: DFS ayaa mar kale uga digtay shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan deegaannada iyo tuulooyinka ay ku sugan yihiin argagixisada in ay si degdeg ah uga fogaadaan. Dowladda ayaa sare u qaaday howlgalka dhanka cirka iyo dhulka ah, si meesha looga saaro Khawaarijta banneysatay dhiigga shacabka.
  5. Xoojinta Amniga Garoonka Aadan Cadde: Dowladda ayaa sidoo kale go’aamisay in aan wax hub iyo gaadiid dagaal lala geli karin xeyndaabka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle ee Muqdisho. Laamaha amniga ayaa dhowaan faahfaahin ka bixin doona sida go’aankan loo dhaqan gelin doono.

Go’aannadan cusub ayaa kusoo aadaya xilli dowladda ay sare u qaaday dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, iyadoo guulo muhiim ah laga gaaray gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan. DFS ayaa horey u muujisay sida ay uga go’an tahay xaqiijinta amniga iyo xasilloonida dalka.

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐰𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐨𝐨 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐠𝐨’𝐚𝐚𝐧𝐧𝐨 𝐚𝐝𝐚𝐠 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐰𝐚𝐣𝐚𝐡𝐚𝐧 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

Muqdisho, Khamiis, 06 Maarso 2025:- Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare… pic.twitter.com/bg2JK7cLta

— OPM Somalia 🇸🇴 (@SomaliPM) March 6, 2025

Wararka manta

  • Cirro oo sheegay in aragtida Soomaaliweyn ay dagaal horseedi karto

    Cirro oo sheegay in aragtida Soomaaliweyn ay dagaal horseedi karto

    ShareWararka24: Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in isku day kasta oo lagu doonayo in dhammaan dadka Soomaalida ah lagu mideeyo hal dal uu sababi karo…

    Sii Aqri


    September 25, 2026
  • Puntland oo sheegtay inay soo furtay markab shidaal oo afduub loo geystay

    Puntland oo sheegtay inay soo furtay markab shidaal oo afduub loo geystay

    ShareWararka24: Maamulka Puntland ayaa sheegay in ciidamadiisa ammaanka ay howlgal ku soo furteen markabka shidaalka ee SIBU 1, kaas oo kooxo burcad-badeed ah ay afduub ku haysteen xeebaha…

    Sii Aqri


    September 25, 2026
  • Cabsi laga qaba in Magaalooyin waa weyn ay Al-Shabaab u gacan galaan

    Cabsi laga qaba in Magaalooyin waa weyn ay Al-Shabaab u gacan galaan

    ShareWararka24: Hay’adda International Crisis Group ayaa ka digtay in Soomaaliya ay wajihi karto dib-u-dhac amni, iyadoo Al-Shabaab ay fursad u heli karto inay dib ula wareegto qaar ka…

    Sii Aqri


    September 25, 2026

Share

Recommended

Is-afgarad Hordhac ah oo laga gaaray in Shirka Dowladda iyo Mucaaradka

Is-afgarad Hordhac ah oo laga gaaray in Shirka Dowladda iyo Mucaaradka

7 months ago
Trump oo taageerada Netanyahu hakiyay iyo xayiraadaha u ku soo rogay Israel

Trump oo taageerada Netanyahu hakiyay iyo xayiraadaha u ku soo rogay Israel

3 months ago
Xamza Cabdi Barre oo khadka kula hadlay Madaxweynaha Jabuuti

Xamza Cabdi Barre oo khadka kula hadlay Madaxweynaha Jabuuti

6 months ago
Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in ay Jiran dad Soomaaliyeed oo kaxun horumarka dalka, kana macaasha dhibaatooyinka?

2 years ago
Digniin laga bixiyay xiriir suuragal ah oo dhex mara Xuutiyiinta iyo burcad-badeedda Soomaalida

Digniin laga bixiyay xiriir suuragal ah oo dhex mara Xuutiyiinta iyo burcad-badeedda Soomaalida

4 months ago
Puntland oo tallaabo sharci ah ka qaadaysa hubka sharci-darrada ah

Puntland oo tallaabo sharci ah ka qaadaysa hubka sharci-darrada ah

3 weeks ago
Puntland iyo dacish

Puntland oo Sheegtay in ay Qabtay Dagaal-yahan Turkish ah

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.