Dowladda Kanada ayaa ku dhawaaqday tallaabo cusub oo ay ku siinayso degenaansho joogto ah ilaa 45,000 qof oo ah xaasaska iyo carruurta muwaadiniinta Kanada iyo dadka haysta degenaanshaha joogtada ah.
Tallaabadan waxaa Arbacadii, 12-ka Noofembar, ku dhawaaqday Wasiirka Socdaalka, Qaxootiga iyo Dhalashada Kanada, Lena Metlege Diab, oo ku sugnayd magaalada Dieppe ee gobolka New Brunswick.
Barnaamijka ayaa loogu talagalay xaasaska, lammaanaha la nool iyo carruurta ku tiirsan muwaadiniinta iyo dadka degenaanshaha haysta, kuwaas oo hadda ku nool gudaha Kanada, isla markaana codsiyadoodu sugayaan go’aan.
Wasaaradda socdaalka ayaa sheegtay in dadka u qalma aysan u baahnayn inay codsi cusub soo gudbiyaan ama la xiriiraan wasaaradda. Codsiyadooda ayaa si toos ah loogu dhammeystiri doonaa kuraasta cusub.
Sidoo kale wasaaraddu waxay caddeysay in tallaabadani aysan dib u furaynin barnaamijyo hore loo xiray, aysanna abuurayn jid cusub oo codsi lagu soo gudbiyo.
Barnaamijkan ayaa qeyb ka ah qorshe ballaaran oo ay ku jiraan ilaa 100,000 shaqaale ah oo hadda Kanada ku jooga iyo qoysaskooda.
Wasiir Diab ayaa sheegtay in dowladdu ay doonayso inay dalka ku haysato “shaqaale qiimo sare leh oo degay,” isla markaana ay siiso “hubaal iyo xasillooni” loo-shaqeeyayaasha, shaqaalaha iyo qoysaska.
Dhinaca kale, Kanada ayaa sidoo kale ku dhawaaqday in barnaamij muhaajiriinta loogu talagalay deegaannada miyiga uu noqonayo mid joogto ah, laga bilaabo 1-da Janaayo 2027.
Barnaamijkan oo hadda tijaabo ahaa, ayaa u oggolaanaya shaqaale xirfadlayaal ah iyo ardayda ka qalin jabisay jaamacadaha Kanada inay degenaansho joogto ah ka helaan 14 deegaan oo ku kala yaalla lix gobol.
Si qofku ugu qalmo, wuxuu u baahan yahay dalab shaqo oo ka yimid loo-shaqeeye la oggolaaday, talo ka timid bulshada deegaanka, iyo inuu buuxiyo shuruudaha waayo aragnimada shaqada, waxbarashada, luqadda iyo lacagta degitaanka.
Dowladda ayaa qorsheysay in barnaamijkan lagu qaato 5,500 qof sannadka 2027, 6,000 sannadka 2028 iyo 6,500 sannadka 2029.
Ilaa hadda in ka badan 1,500 muhaajiriin ah iyo qoysaskooda ayaa ku yimid Kanada iyagoo maray barnaamijkan tijaabada ah.
Tallaabooyinkan ayaa qeyb ka ah qorshaha socdaalka Kanada ee 2027 ilaa 2029, oo dowladdu soo saartay 5-ta Noofembar.
Dadka xiiseynaya barnaamijyadan ayaa lagula talinayaa inay macluumaadka ka helaan bogga rasmiga ah ee dowladda Kanada, kana digtoonaadaan dadka lacag ka dalbada iyagoo ballanqaadaya fiiso.









