Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku martigelisay shir laba maalmood socday oo ay yeesheen Guddiga Xoghayaasha Joogtada ah ee ururka IGAD iyo hay’adda CEWARN.
Shirka waxaa ka qeyb galay wakiillo ka socday dalalka xubnaha ka ah IGAD, xafiiska xoghaynta ururka iyo khubaro ka tirsan CEWARN.
Shirka waxaa si rasmi ah u xiray Xamza Aadan Xaadow, oo ah Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta nidaamyada digniinta hore iyo ka hortagga colaadaha.
Sidoo kale waxaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga amni ee u dhexeeya dalalka gobolka, iyo kor u qaadista awoodda ay dalalka xubnaha ka ah u leeyihiin inay ka jawaabaan khataraha amni iyo colaadaha.
CEWARN waa hay’ad ka tirsan IGAD oo loo xilsaaray inay la socoto, ka digto, kana hortagto colaadaha ka dhaca Geeska Afrika, gaar ahaan kuwa xuduudaha dhaafa.
Martigelinta shirkan ayaa muujinaysa doorka sii kordhaya ee Soomaaliya ay ku leedahay nabadda, amniga iyo ka hortagga colaadaha gobolka.
Shirka ayaa ku soo idlaaday iyadoo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii wado iskaashiga gobolka, si wadajir ah loogu wajaho khataraha nabadda iyo amniga.
Shirkan ayaa yimid xilli Geeska Afrika uu wajahayo xiisado sii kordhaya, oo ay ka mid yihiin khilaafka Itoobiya iyo Eritrea, dagaalka Suudaan iyo xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa Suudaan iyo Itoobiya.
Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalka aasaasay IGAD, oo ah urur gobolleed ay ku mideysan yihiin dalalka Geeska Afrika iyo Bariga Afrika.









