Xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhexeysa Suudaan iyo Itoobiya ayaa heer cusub gaartay, kadib markii labada dal ay midba midka kale xiray qunsuliyadda uu ku leeyahay, kana saareen shaqaalihii ka hawlgalayay.
Itoobiya ayaa tallaabada ugu horreysay qaaday Axaddii, 1-da Noofembar, markii ay u yeeratay safiirka Suudaan ee Addis Ababa, una sheegtay in la xirayo qunsuliyadda Suudaan ee magaalada Asosa.
Lix shaqaale oo ka tirsan qunsuliyaddaas ayaa la siiyay 48 saacadood inay dalka uga baxaan. Saraakiil Suudaani ah ayaa sheegay in shaqaalaha ay dalka ka dhoofeen Talaadadii.
Arbacadii, 4-ta Noofembar, ayay Suudaan ka jawaabtay, iyadoo xirtay qunsuliyadda Itoobiya ee magaalada Gadaarif, una caddeysay shaqaalihii ka shaqeynayay inaan loo baahnayn, iyadoo iyagana siisay 48 saacadood.
Labada dowladood midkoodna si rasmi ah uma sheegin sababta ay tallaabooyinkan u qaadeen.
Hase yeeshee khilaafka ayaa salka ku haya eedeymo ay labada dhinac isu jeedinayaan.
Suudaan ayaa Itoobiya ku eedeysay inay u oggolaatay ciidamada Gurmadka Degdegga (RSF) inay dhulkeeda ka adeegsadaan diyaarado aan duuliye lahayn oo lagu weeraro kaabeyaasha rayidka ee Suudaan.
Khartoum ayaa isla Axaddaas cabasho u gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika.
Itoobiya ayaa dhankeeda Suudaan, Masar iyo Eritrea ku eedeysay inay taageeraan fallaagada Tigray, kuwaas oo bishii Sebtembar weerar ku qaaday ciidamada dowladda. Labada dhinac ayaa beeniyay eedeymaha loo jeediyay.
Amjad Fariid, oo ah lataliyaha arrimaha siyaasadda iyo dibadda ee Golaha Madaxtooyada KMG ah ee Suudaan, ayaa sheegay in dalkiisu uu “ku adkeysanayo xaqiisa ah inuu difaaco dhulkiisa.”
Wuxuu intaa ku daray in Suudaan ay “sameyneyso dadaal kasta oo suurtagal ah si looga fogaado dagaal toos ah oo lala galo Itoobiya.”
Xiisaddan ayaa timid xilli Itoobiya ay dhawaan khilaaf diblomaasiyadeed la gashay dalal kale oo deriskeeda ah.
Horraantii Oktoobar, Itoobiya waxay xirtay safaaraddeedii Eritrea, waxayna dalka ka saartay toban diblomaasi oo Eritrean ah. Eritrea ayaa ka jawaabtay iyadoo jartay xiriirkii diblomaasiyadeed.
Bishii hore sidoo kale Itoobiya iyo Masar ayaa midba midka kale ka saaray diblomaasi sare, iyadoo labada dal ay muddo dheer isku hayaan khilaafka biyo xireenka webiga Niil.
Dagaalka sokeeye ee Suudaan, oo u dhexeeya ciidamada xoogga dalka iyo RSF, ayaa bilowday bishii Abriil 2023, wuxuuna barakiciyay in ka badan 14 milyan oo qof.
Falanqeeyayaal ayaa ka cabsi qaba in dagaallada Suudaan iyo Tigray ay isku darsamaan, ayna u gudbaan colaad ballaaran oo saameysa Geeska Afrika.









