Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa sheegtay inay jeceshahay inay dib ugu laabato Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Wakiillada Mareykanka, kadib guushii xisbiga Dimuqraadiga ka gaaray doorashadii dhexe.
Ilhaan, oo metesha gobolka Minnesota, ayaa wargeyska Semafor u sheegtay in guddigaas uu yahay kan ay ugu jeceshahay.
“Aad ayaan u jeclaan lahaa,” ayay tiri, markii la weydiiyay inay dib ugu laabanayso guddiga.
Waxay sidoo kale sheegtay inay tixgelinayso inay ku biirto Guddiga Qoondeynta Miisaaniyadda, oo ka mid ah guddiyada ugu awoodda badan uguna tartanka badan Koongaraska.
“Waan arki doonnaa sida ay guddiyadu u dhammaadaan,” ayay intaa ku dartay.
Ilhaan ayaa ka tirsanayd Guddiga Arrimaha Dibadda intii u dhaxeysay 2019 ilaa Febraayo 2023. Muddadaas waxay ku xigeen u ahayd guddi hoosaadka arrimaha Afrika, caafimaadka caalamka iyo xuquuqda aadanaha.
Bishii Febraayo 2023, Golaha Wakiillada oo xilligaas ay Jamhuuriyiintu gacanta ku hayeen ayaa 218 cod iyo 211 ku codeeyay in guddigaas laga saaro.
Jamhuuriyiinta ayaa go’aankaas ku saleeyay hadallo ay horey uga sheegtay Israa’iil iyo ururka AIPAC. Dimuqraadiyiinta ayaa dhankooda ku tilmaamay tallaabadaas mid siyaasadeed oo aargoosi ah.
Ilhaan ayaa horey uga qoomameysay mid ka mid ah hadalladeedii 2019.
Haddii ay dib ugu laabato guddiga, waayo aragnimadeeda ayaa u fududeyn karta inay noqoto guddoomiyaha guddi hoosaadka arrimaha Afrika.
Xildhibaan Greg Meeks, oo ah xubinta ugu sarreysa ee Dimuqraadiyiinta ee Guddiga Arrimaha Dibadda, ayaa sheegay in Ilhaan ay doorasho u leedahay inay u tartanto hoggaanka guddi hoosaadkaas.
Xildhibaan Sara Jacobs, oo hadda ah xubinta ugu sarreysa ee Dimuqraadiyiinta ee guddi hoosaadka Afrika, ayaa sheegtay in arrintaas weli laga shaqeynayo.
Dimuqraadiyiinta ayaa la wareegay aqlabiyadda Golaha Wakiillada doorashadii 3-da Noofembar, waxayna hadda bilaabeen qaybinta kuraasta guddiyada.
Go’aannada kama dambeysta ah weli lama gaarin, waxaana la filayaa in qaabka guddiyada la dhammeystiro kahor inta uusan Koongaraska cusub shaqada bilaabin bisha Janaayo.

