Dowlad goboleedka Puntland ayaa ciidamo u diray deegaanka Roox ee gobolka Mudug, kadib xiisad halkaas ka dhacday, taasoo sababtay dhimashada hal qof.
Ujeddada ciidamada ayaa ah in la xoojiyo nabadda iyo amniga deegaanka, isla markaana laga hortago in xaaladda ay u sii gudubto amni darro kale.
Ciidamada waxaa la socday wafdi ay ku jireen wasiirro ka tirsan Puntland, masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Mudug iyo degmada Gaalkacyo, iyo saraakiil ciidan.
Wafdiga ayaa deegaanka kula kulmay odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Kulammada ayaa diiradda lagu saaray sidii loo qaboojin lahaa xaaladda, looga hortagi lahaa wax kasta oo dib u dhalin kara colaad.
Masuuliyiinta ayaa sidoo kale soo saaray amarro amni, kuwaas oo mamnuucaya in qof hub sita lagu arko deegaanka Roox.
Waxay ka digeen in qofkii ku xadgudba amarkaas laga qaadi doono tallaabo adag.
Maamulka gobolka Mudug ayaa bulshada ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada amniga, kana fogaadaan wax kasta oo wiiqi kara nabadda deegaanka.
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sababta xiisadda iyo cidda ay khuseysay lama shaacin.
Gobolka Mudug ayaa horey u soo maray xiisado iyo iska horimaadyo beeleed, kuwaas oo inta badan salka ku haya muranka dhulka, ceelasha biyaha iyo daaqa xoolaha.









