Maamulka Jubbaland ayaa diiday magacaabis ay dowladda federaalka dhawaan ku sameysay hoggaanka Hay’adda Dakhliga Qaranka, wuxuuna hakiyay dhammaan iskaashigii maaliyadeed ee uu la lahaa Muqdisho.
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka ayaa kulankiisii toddobaadlaha ahaa ee Khamiistii ku magacaabay Faysal Maxamed Xaashi inuu noqdo agaasimaha guud ee Hay’adda Dakhliga Qaranka.
Magacaabista ayaa timid kadib soo jeedin ka timid Wasiirka Maaliyadda ee dowladda federaalka.
Faysal ayaa hadda ah agaasimaha guud ee dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda, wuxuuna tan iyo 2023 ka shaqeynayay dib u habeynta iyo casriyeynta ilaha dakhliga.
Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Jubbaland ayaa war ay soo saartay ku sheegtay inaysan ka qeyb ahayn habka lagu dhisay hay’addan, isla markaana aysan aqoonsanayn magacaabista hoggaankeeda.
Jubbaland ayaa sheegtay in hay’adda aan lagu dhisin sharci iyo heshiisyo waafaqsan nidaamka federaalka ee dalka.
Waxay intaa ku dartay in weli aan laga heshiin awoodaha maaliyadda, maamulka iyo qaybsiga dakhliga, kuwaas oo u baahan wadatashi dhex mara dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.
Maamulka ayaa sheegay in tallaabada dowladda federaalka ay “baal marsan tahay mabaadi’da wada shaqeynta federaalka,” ayna dhaawac u geysaneyso dadaallada dib u habeynta maaliyadda dowladda iyo mideynta nidaamka dakhliga kastamka.
Sidoo kale Jubbaland waxay dowladda federaalka ku eedeysay inay wiiqday geedi socodka dib u habeynta maareynta maaliyadda guud, kaas oo ay ku bixiyeen waqti, khibrad iyo lacag badan saaxiibada caalamka, gaar ahaan Bangiga Adduunka.
Jubbaland ayaa ku dhawaaqday inay hakisay dhammaan iskaashiga maaliyadeed ee ay la leedahay dowladda federaalka.
Hakintaas waxay socon doontaa ilaa dib loo bilaabo wadahadallo ku dhisan is faham iyo raalinimo, laguna gaaro heshiis dhammeystiran oo ku saabsan maamulka iyo qaybsiga dakhliga.
Ilaa hadda lama hayo jawaab ay dowladda federaalka ka bixisay go’aanka Jubbaland.
Xiriirka Jubbaland iyo dowladda federaalka ayaa muddo dheer xumaa, iyadoo labada dhinac ay isku hayaan awoodaha dastuuriga ah, qaybsiga kheyraadka iyo habka doorashooyinka.
Bishii Diseembar 2025, baarlamaanka Jubbaland ayaa wax ka beddelay dastuurka maamulka, isagoo Jubbaland ku tilmaamay “dowlad” halkii uu ka ahaa dowlad goboleed federaal ah.
Puntland ayaa iyana horey u jartay xiriirkii ay la lahayd dowladda federaalka.









