Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Puntland oo diiday muddo dhaafka Xasan Sheekh wixii ka dambeeya 15-ka May 2026

Maamulka Puntland ayaa si cad u sheegay inuusan aqbaleyn in Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud uu xilka sii hayo wixii ka dambeeya 15-ka May 2026, oo ah marka uu ku egyahay muddo xileedkiisa dastuuriga ah.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
April 16, 2026, 10:41 am EAT
Reading Time: 3 mins read
Puntland oo diiday muddo dhaafka Xasan Sheekh wixii ka dambeeya 15-ka May 2026
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Maamulka Puntland ayaa si cad u sheegay inuusan aqbaleyn in Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud uu xilka sii hayo wixii ka dambeeya 15-ka May 2026, oo ah marka uu ku egyahay muddo xileedkiisa dastuuriga ah.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Puntland, Bile Qabowsade, ayaa sheegay in maamulka uu ku adkeysanayo in si degdeg ah loo qabto doorasho lagu heshiiyay oo ay dhammaan dhinacyadu wada aqbalaan.

“Soomaali waxa keliya ee ku wada jiri kartaa waa in la ilaaliyo nidaamka federaalka iyo doorasho lagu yahay heshiis oo la isla aqbalo,” ayuu yiri wasiirku, isagoo ka digay in dalka uu galo firaaq dastuuri ah.

Puntland ayaa sidoo kale caddeysay in aysan aqbaleyn muddo kordhin, islamarkaana ay qaadi doonto tallaabooyin haddii ay dhacdo in xilka lagu sii joogo si sharci darro ah.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada, gaar ahaan arrimaha la xiriira dastuurka cusub iyo hannaanka doorashooyinka.

Maamulka Puntland oo qayb ka ah Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka iyo Jubaland, ayaa si adag uga soo horjeeda dastuurka cusub ee ay meel-marisay Dowladda Federaalka, kaas oo dhigaya in muddo xileedka hay’adaha dowladda laga dhigo shan sano.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka ayaa ku adkeysaneysa dastuurka cusub, iyadoo mucaaradka ay ku tilmaameen tallaabadaas mid u muuqata muddo kororsi aan sharciyad buuxda lahayn.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in mucaaradka iyo xulafadooda ay wadaan dadaallo ay beesha caalamka ugu qancinayaan in dalka loo baahan yahay hannaan doorasho oo lagu heshiiyo, si looga hortago qalalaase siyaasadeed.

Si kastaba, xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa sii galeysa marxalad adag, iyadoo dhaq-dhaqaaqyo cusub oo mucaaradku wadaan la filayo inay saameyn ku yeeshaan jihada mustaqbalka dalka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

16 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

16 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

2 days ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

2 days ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

4 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

4 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.