• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Puntland oo diiday muddo dhaafka Xasan Sheekh wixii ka dambeeya 15-ka May 2026

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
5 months ago
Reading Time: 3 mins read
Puntland oo diiday muddo dhaafka Xasan Sheekh wixii ka dambeeya 15-ka May 2026
Share

Wararka24: Maamulka Puntland ayaa si cad u sheegay inuusan aqbaleyn in Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud uu xilka sii hayo wixii ka dambeeya 15-ka May 2026, oo ah marka uu ku egyahay muddo xileedkiisa dastuuriga ah.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Puntland, Bile Qabowsade, ayaa sheegay in maamulka uu ku adkeysanayo in si degdeg ah loo qabto doorasho lagu heshiiyay oo ay dhammaan dhinacyadu wada aqbalaan.

“Soomaali waxa keliya ee ku wada jiri kartaa waa in la ilaaliyo nidaamka federaalka iyo doorasho lagu yahay heshiis oo la isla aqbalo,” ayuu yiri wasiirku, isagoo ka digay in dalka uu galo firaaq dastuuri ah.

Puntland ayaa sidoo kale caddeysay in aysan aqbaleyn muddo kordhin, islamarkaana ay qaadi doonto tallaabooyin haddii ay dhacdo in xilka lagu sii joogo si sharci darro ah.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada, gaar ahaan arrimaha la xiriira dastuurka cusub iyo hannaanka doorashooyinka.

Maamulka Puntland oo qayb ka ah Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka iyo Jubaland, ayaa si adag uga soo horjeeda dastuurka cusub ee ay meel-marisay Dowladda Federaalka, kaas oo dhigaya in muddo xileedka hay’adaha dowladda laga dhigo shan sano.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka ayaa ku adkeysaneysa dastuurka cusub, iyadoo mucaaradka ay ku tilmaameen tallaabadaas mid u muuqata muddo kororsi aan sharciyad buuxda lahayn.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in mucaaradka iyo xulafadooda ay wadaan dadaallo ay beesha caalamka ugu qancinayaan in dalka loo baahan yahay hannaan doorasho oo lagu heshiiyo, si looga hortago qalalaase siyaasadeed.

Si kastaba, xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa sii galeysa marxalad adag, iyadoo dhaq-dhaqaaqyo cusub oo mucaaradku wadaan la filayo inay saameyn ku yeeshaan jihada mustaqbalka dalka.


Share

Recommended

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

Mahad Salaad oo gaaray Baydhaba kuna biiray dhaqdhaqaaqyada socda

5 months ago
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti oo shaaciyey in DF aan lagala tashan duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya

7 months ago
Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

Qatar iyo Imaaraadka Carabta oo codsi u diray Trump

6 months ago
Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

Soomaaliya oo ku biirtay 15 heshiis oo caalami ah oo la xiriira badaha + War-saxaafadeedka

3 months ago
Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

Xildhibaan ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo qiray walaaca mucaaradka ee dib-u-eegista Dastuurka.

8 months ago
Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

Xasan Sheekh oo booqasho shaqo ku tagaya Jowhar

3 months ago
Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

Wasiir ka tirsan DF oo eedeymo u jeediyay Madaxweynaha Puntland

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.