• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Cumar Cabdirashiid oo sheegay fursadda u hartay Xasan Sheekh

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
5 months ago
Reading Time: 2 mins read
Cumar Cabdirashiid oo sheegay fursadda u hartay Xasan Sheekh
Share

Wararka24: Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa shaaciyay in dalka uu galay marxalad xasaasi ah kadib dhammaadka muddo xileedka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ku ekaa 14-ka April 2026.

Qoraal uu soo saaray, ayuu ku sheegay in Soomaaliya ay wajahday firaaq dastuuri ah iyo hubanti la’aan siyaasadeed, taas oo keeni karta jahwareer ku yimaada hay’adaha dowliga ah iyo geedi-socodka dimuqraadiyadeed.

Cumar Cabdirashiid ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka ay hadda ku shaqeyneyso xaalad uu ku sifeeyay “waqti amaah ah,” isla markaana ay haysato fursado aad u kooban oo u baahan in si degdeg ah looga faa’iideysto.

Wuxuu xusay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu haysto fursad hal bil ah oo uu ku abuuri karo jawi wada-hadal oo loo dhan yahay, si loo gaaro heshiis ku saabsan hannaanka doorashooyinka dalka.

“Waxaa weli jira hal bil oo uu Madaxweynaha ku kulmin karo dhammaan dhinacyada ay khusayso arrinta doorashada si loo gaaro heshiis la wada oggol yahay,” ayuu yiri Ra’iisul wasaarihii hore, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda wada-tashiga.

Sidoo kale, wuxuu ka digay in awoodda lagu koobto hal dhinac xilli ay dhammaanayso muddo xileedka, taas oo uu sheegay inay tahay caqabad soo noqnoqotay oo u baahan xal waara.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli ay sii kordhayaan dhaqdhaqaaqyada mucaaradka iyo dowlad-goboleedyada sida Puntland iyo Jubaland, kuwaas oo dalbanaya in xal siyaasadeed degdeg ah laga gaaro xaaladda dalka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa wajahaysa marxalad kala guur ah oo u baahan hoggaan siyaasadeed oo mideeya dhinacyada kala duwan si looga fogaado qalalaase siyaasadeed oo hor leh.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.