• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Ciidamada Xoogga Dalka oo Horjooge Al-Shabaab ku dilay howlgal qorsheysan

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
2 months ago
Reading Time: 2 mins read
Ciidamada Xoogga Dalka oo Horjooge  Al-Shabaab ku dilay howlgal qorsheysan
Share

Wararka24: Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidamada Xoogga Dalka ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaanka Hantiwadaag ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo lagu dilay Cabdisalaan Macallin Abuukar, oo dowladda ku sheegtay horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab. Cabdisalaan Macallin Abuukar aya muddo dheer ku daba jirtay Dowladda Federaalka, isla markaana halis ku ahaa shacabka Soomaaliyeed.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeedka wasaaradda, Cabdisalaan Macallin Abuukar ayaa la sheegay inuu Al-Shabaab u qaabilsanaa qorista maleeshiyaad cusub iyo uruurinta lacagaha baadda ah ee dowladda ay sheegtay in kooxda ka qaaddo shacabka. Dowladda ayaa intaas ku dartay in howlgalka la fuliyay 10-kii Luulyo 2026, kaddib markii muddo lala socday dhaq-dhaqaaqiisa.

Wasaaraddu waxay sidoo kale sheegtay in howlgalka lagu dhaawacay Macallin Daa’uud, oo ay ku tilmaantay horjooge kale oo Al-Shabaab u qaabilsanaa arrimaha amniga gudaha iyo dabagalka.

Dowladdu waxay intaas ku dartay in labada nin lagu bartilmaameedsaday xilli ay ku howlnaayeen qorsheyaal ay ku sheegtay kuwo lagu waxyeelleynayo shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale, waxay sheegtay in Al-Shabaab ay gudaha Hantiwadaag ku aastay Cabdisalaan Macallin Abuukar, inkastoo aan sheegashadaas si madax-bannaan loo xaqiijin.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa caddeysay inay sii wadi doonto howlgalada lagu bartilmaameedsanayo horjoogayaasha Al-Shabaab ee ku sugan deegaannada kala duwan ee dalka. Dhanka Al-Shabaab weli kama soo bixin war rasmi ah oo ay kaga hadashay sheegashada dowladda ee ku saabsan howlgalka iyo khasaaraha la sheegay.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.