• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

NISA oo laba xubnood oo Al-Shabaab ah ku beegsatay Howlgal kadacay Garasbaaley

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
2 months ago
Reading Time: 2 mins read
NISA oo  laba xubnood oo Al-Shabaab ah ku beegsatay Howlgal kadacay Garasbaaley
Share

Wararka24: Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA) ayaa fiidnimadii maanta howlgal qorsheysan ka fuliyay xaafadda Galmudug ee degmada Garasbaaley, kaas oo lagu bartilmaameedsaday laba xubnood oo la sheegay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab.‎‎

Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada, howlgalka ayaa lagu dilay mid ka mid ah xubnihii la beegsaday, halka xubintii kale ay dhaawac kasoo gaartay. Saraakiishu waxay sheegeen in howlgalka uu u dhacay sidii loo qorsheeyay, isla markaana ciidamada ay gaareen ujeeddooyinkii laga lahaa.‎‎

Dhanka kale, hay’adaha ammaanka ayaa sheegay in habeenkii hore ay fashiliyeen qorshe weerar oo la sheegay inay Al-Shabaab damacsanayd inay ka fuliso xaafadda Xaawo-Taako ee magaalada Beledweyne.

Sida ay sheegeen mas’uuliyiintu, ciidamada ayaa halkaas ku dilay hal xubin oo ka tirsan kooxda, halka mid kalena lagu qabtay isagoo nool.‎‎

Hay’adaha ammaanka ayaa sheegay inay sii wadaan howlgallada lagu beegsanayo Al-Shabaab, si looga hortago weerarro iyo falal amni-darro oo ay kooxdu qorsheynayso.‎‎

Howlgalladan ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda Federaalka Soomaaliya ay dardargelinayso gulufyo amni oo ka dhan ah Al-Shabaab, iyadoo ciidamada dowladda ay howlgallo ka wadaan deegaanno kala duwan oo dalka ka tirsan. Dhanka Al-Shabaab weli kama soo bixin war rasmi ah oo ay kaga hadashay sheegashooyinka dowladda ee ku saabsan howlgaladan.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.