• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Kumaandooska Danab oo burburiyay fariisimo Al-Shabaab ku lahaayeen Shabeellaha Hoose

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
2 months ago
Reading Time: 2 mins read
Kumaandooska Danab oo burburiyay fariisimo Al-Shabaab ku lahaayeen Shabeellaha Hoose
Share

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo amni iyo sifeyn ah ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo lagu burburiyay fariisimo ay isticmaali jireen dagaalyahannada Al-Shabaab, sida ay baahisay Warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay ciidamada, Ururka 161-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaannada Leego, Warta Madax Maroodi, Iidow Jalaat iyo Saaxweyn. Howlgalka ayaa diiradda lagu saaray sugidda amniga, baaritaanka goobaha muhiimka ah iyo waddooyinka isku xira deegaannadaas, si looga hortago dhaq-dhaqaaqyada Al-Shabaab.

Dhanka kale, Ururka 251-aad ee Guutada 25-aad ayaa howlgallo sifeyn iyo burburin ah ka sameeyay deegaannada Shabeeley, Bangaley, Fay Yuusuf iyo Cismaan Dure oo hoostaga deegaanka Toora-tooroow. Ciidamada ayaa sheegay inay halkaas ku burburiyeen fariisimo ay kooxda u adeegsan jirtay abaabulka iyo dhaqdhaqaaqyada.

Taliyaha Ururka 251-aad, Maxamed Xasan Abuukar (Dhaga-dheere), ayaa sheegay in howlgalka lagu guuleystay burburinta saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahayd deegaannadaasi, isagoo xusay in tallaabadaasi ay qeyb ka tahay dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo ka hortagga weerarro lagu beegsan lahaa shacabka rayidka ah.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollo kala duwan, si loo xoojiyo amniga loogana saaro kooxda goobaha ay weli ku sugan tahay. Waxay sidoo kale shacabka ugu baaqeen inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, isla markaana ay soo gudbiyaan xog kasta oo la xiriirta dhaq-dhaqaaqyo laga shakiyo.

Howlgalladan ayaa kusoo aadaya xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay kordhisay dadaallada militari ee ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay wadaan gulufyo ka socda gobollo dhowr ah oo dalka ka tirsan.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.