Wararka24: Khilaaf cusub ayaa ka dhex taagan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland, kadib markii maamulka Puntland uu shuruudo ku xiray gelitaanka Jen. Jimcaale Jaamac Takar ee magaalada Garoowe, xilli dowladda federaalku u magacowday hoggaanka Qaybta 54-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Wararka ayaa sheegaya in guddi ka socday gobolka Nugaal uu magaalada Laascaanood kula kulmay Jen. Jimcaale si xal looga gaaro xiisadda taagan. Kulamadaas ayaa diiradda lagu saaray sidii loo fududeyn lahaa safarkiisa iyo in la dejiyo muranka ka dhashay magacaabistiisa, hase yeeshee wada-hadalladu waxay ku dhammaadeen is-afgarad la’aan.
Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, Puntland waxay ku adkeysatay in Jen. Jimcaale uusan geli karin Garoowe isagoo wata xilka dowladda federaalka u magacowday. Maamulka ayaa ku xiray inuu marka hore iska casilo xilkaas ama si cad u shaaciyo inaanu aqbalin magacaabista, ka hor inta aan loo oggolaan inuu galo deegaannada Puntland.
Jen. Jimcaale ayaa la sheegay inuu diiday shuruudahaas, isagoo caddeeyay inuusan ka tanaasuli doonin mas’uuliyadda loo igmaday. Waxa uu sidoo kale sheegay inuu qorsheynayo inuu tago Garoowe, isla markaana aysan jirin cid ka hor istaagi karta gudashada waajibaadkiisa.
Ergadii dhex-dhexaadinta waday ayaa dib ugu laabatay Garoowe iyada oo aan lagu guuleysan heshiis. Dhanka kale, Puntland ayaa mar kale ku celisay in aysan oggolaan doonin in saraakiil ka tirsan dowladda federaalka ay gudaha u soo galaan maamulka iyagoo wata xilal ciidan oo ay Muqdisho u magacowday.
Xiisadda ayaa sababtay in ammaanka Garoowe si weyn loo adkeeyo, iyadoo la kordhiyay ciidamada ku sugan baraha laga soo galo magaalada. Wararka ayaa tilmaamaya in maamulka Puntland uu qaaday tallaabooyin lagu xoojinayo amniga, iyadoo laga cabsi qabo in khilaafkan uu saameyn ku yeesho xaaladda amni ee gobolka.
Khilaafkan ayaa ku soo beegmaya xilli xiriirka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland uu weli wajahayo muranno la xiriira arrimaha maamulka, awood-qaybsiga iyo wada-shaqeynta hay’adaha amniga. Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo muujinaya in labada dhinac ay gaareen is-afgarad lagu soo afjarayo ismari-waagan.


















