Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Puntland oo shuruud ku xirtay gelitaanka Jen. Jimcaale ee Garoowe

Khilaaf cusub ayaa ka dhex taagan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland, kadib markii maamulka Puntland uu shuruudo ku xiray gelitaanka Jen. Jimcaale Jaamac Takar ee magaalada Garoowe, xilli dowladda federaalku u magacowday hoggaanka Qaybta 54-aad ee Ciidanka Xoogga…

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
July 8, 2026, 12:13 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Puntland oo shuruud ku xirtay gelitaanka Jen. Jimcaale ee Garoowe
Share

Wararka24: Khilaaf cusub ayaa ka dhex taagan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland, kadib markii maamulka Puntland uu shuruudo ku xiray gelitaanka Jen. Jimcaale Jaamac Takar ee magaalada Garoowe, xilli dowladda federaalku u magacowday hoggaanka Qaybta 54-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Wararka ayaa sheegaya in guddi ka socday gobolka Nugaal uu magaalada Laascaanood kula kulmay Jen. Jimcaale si xal looga gaaro xiisadda taagan. Kulamadaas ayaa diiradda lagu saaray sidii loo fududeyn lahaa safarkiisa iyo in la dejiyo muranka ka dhashay magacaabistiisa, hase yeeshee wada-hadalladu waxay ku dhammaadeen is-afgarad la’aan.

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, Puntland waxay ku adkeysatay in Jen. Jimcaale uusan geli karin Garoowe isagoo wata xilka dowladda federaalka u magacowday. Maamulka ayaa ku xiray inuu marka hore iska casilo xilkaas ama si cad u shaaciyo inaanu aqbalin magacaabista, ka hor inta aan loo oggolaan inuu galo deegaannada Puntland.

Jen. Jimcaale ayaa la sheegay inuu diiday shuruudahaas, isagoo caddeeyay inuusan ka tanaasuli doonin mas’uuliyadda loo igmaday. Waxa uu sidoo kale sheegay inuu qorsheynayo inuu tago Garoowe, isla markaana aysan jirin cid ka hor istaagi karta gudashada waajibaadkiisa.

Ergadii dhex-dhexaadinta waday ayaa dib ugu laabatay Garoowe iyada oo aan lagu guuleysan heshiis. Dhanka kale, Puntland ayaa mar kale ku celisay in aysan oggolaan doonin in saraakiil ka tirsan dowladda federaalka ay gudaha u soo galaan maamulka iyagoo wata xilal ciidan oo ay Muqdisho u magacowday.

Xiisadda ayaa sababtay in ammaanka Garoowe si weyn loo adkeeyo, iyadoo la kordhiyay ciidamada ku sugan baraha laga soo galo magaalada. Wararka ayaa tilmaamaya in maamulka Puntland uu qaaday tallaabooyin lagu xoojinayo amniga, iyadoo laga cabsi qabo in khilaafkan uu saameyn ku yeesho xaaladda amni ee gobolka.

Khilaafkan ayaa ku soo beegmaya xilli xiriirka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland uu weli wajahayo muranno la xiriira arrimaha maamulka, awood-qaybsiga iyo wada-shaqeynta hay’adaha amniga. Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo muujinaya in labada dhinac ay gaareen is-afgarad lagu soo afjarayo ismari-waagan.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

22 hours ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

23 hours ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

2 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

3 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

3 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

4 days ago
Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

4 days ago
“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

5 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.