Wararka24: Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xooggan oo maanta dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidan oo ku yaalla deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Saldhigga la weeraray ayaa waxaa ku sugan ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.
Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in weerarka uu ku billowday qaraxyo xooggan, waxaana xigay dagaal iyo is-rasaaseyn dhex martay ciidamada difaacayay saldhigga iyo kooxihii weerarka soo qaaday. Dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqleen jugo culus iyo rasaas muddo socotay.
Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, hase yeeshee illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo lagu xaqiijiyay tirada saxda ah ee khasaaraha ka dhashay weerarka.
Xaaladda deegaanka ayaa la sheegay inay hadda deggan tahay, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa Uganda ay dib u riixeen kooxihii weerarka soo qaaday, kuwaas oo la sheegay inay ka baxsadeen goobta dagaalka.
Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AUSSOM ayaa sidoo kale wada dhaq-dhaqaaqyo amni oo lagu baadi-goobayo xubnihii ka qeyb qaatay weerarka.
Kooxda Al-Shabaab ayaa marar badan weerarro ku qaadday saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika, gaar ahaan deegaannada ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose.
Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli ciidamada dowladda ay howlgallo amni ka wadaan waddooyinka isku xira Muqdisho iyo Marka, kuwaas oo lagu doonayo in lagu xoojiyo amniga gobolka.


















