Wararka24: Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Midowga Afrika, Selma Malika Haddadi, ayaa sheegtay inay kulan la yeelatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyada oo wakiil ka ahayd Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf.
Qoraal ay ku baahisay barta X ayay ku xaqiijisay sida ay uga go’an tahay Midowga Afrika taageeridda madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo sidoo kale adkaysay sii wadidda taageerada ay siiyaan dadaallada amniga iyo xasilloonida ee ay hoggaaminayaan Soomaalida.
Selma Malika Haddadi ayaa bogaadisay hoggaanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, waxayna xustay guulaha ay ciidamada Soomaaliya ka gaareen howlgalada ka dhanka ah kooxdaasi.
Waxay sidoo kale soo dhoweysay dadaallada Madaxweynaha ee lagu horumarinayo wada-hadal loo dhan yahay ka hor doorashooyinka soo socda, iyadoo ku tilmaantay tallaabo muhiim u ah geeddi-socodka dimuqraadiyadda Soomaaliya.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray caqabadaha dhinaca maalgelinta ee howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), iyo muhiimadda ay leedahay in la helo xalal waara, la saadaalin karo, isla markaana ay wadaagaan dhammaan dhinacyada ay khusayso.
Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Midowga Afrika ayaa sidoo kale xaqiijisay in ururku uu sii wadi doono iskaashiga uu la leeyahay Soomaaliya, isaga oo fulinaya Ajendaha 2063 iyo taageerada howlgalka AUSSOM.
Midowga Afrika ayaa sheegay inuu garab istaagi doono Soomaaliya inta ay isu diyaarinayso doorashooyinka soo socda iyo dadaallada lagu xoojinayo amniga, xasilloonida iyo dowlad-dhiska dalka.
















