Wararka24: Dagaal culus ayaa maanta ka dhacay deegaanka Dhaashow ee hoostaga magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari ee Kenya, kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay halkaas ku leeyihiin ciidamada difaaca Kenya.
Dagaalka ayaa isku beddelay iska horimaad fool ka fool ah oo u dhexeeyay ciidamada Kenya iyo Al-Shabaab, iyadoo wararka laga helayo deegaanka ay sheegayaan in labada dhinac ay isweydaarsadeen rasaas culus.
Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in rasaasta iyo qaraxyada laga maqlayay deegaanno ka tirsan xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin khasaaraha ka dhashay dagaalka.
Al-Shabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegatay mas’uuliyadda weerarka, waxayna sheegtay inay khasaare gaarsiisay ciidamada Kenya. Kooxdu waxay sidoo kale sheegtay in diyaarado qumaatiga u kaca ay gaareen goobta dagaalka si ay uga qaadaan meydad iyo dhaawacyo.
Dhanka kale, saraakiisha amniga Kenya weli kama aysan hadlin weerarka iyo sheegashada kooxda Al-Shabaab ee la xiriirta khasaaraha dagaalka.
Xaaladda deegaanka ayaa weli kacsan, waxaana la soo wariyay dhaqdhaqaaqyo amni oo ka socda qaybo kamid ah xadka dheer ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.
Al-Shabaab ayaa marar badan weerarro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fulisa deegaannada ku dhow xadka, iyadoo kooxda ay weli saldhigyo ku leedahay qaybo kamid ah gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.


















