Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Ciidamada Xoogga oo howlgallo culus ka fuliyay Shabeellaha Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa howlgallo amni xaqiijin iyo sifeyn ah ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
March 30, 2026, 11:21 am EAT
Reading Time: 2 mins read
Ciidamada Xoogga oo howlgallo culus ka fuliyay Shabeellaha Hoose
Share

Wararka24: Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa howlgallo amni xaqiijin iyo sifeyn ah ka fuliyay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalladan waxaa fuliyay Ururka 203aad ee Guutada 20aad Qeybta 1aad, kuwaas oo ka hawlgalay deegaannada Aybuuteey, Jowhara, Awdheegle, Aseenda Buube iyo dhulal kale oo ku yaalla bariga gobolka.

Intii ay howlgaladu socdeen, ciidamada ayaa baaritaanno ka sameeyay xaafado kala duwan, iyagoo diiradda saaray goobaha looga shakisan yahay inay gabaad ka dhigtaan kooxaha argagixisada.

Sidoo kale, ciidamada ayaa burburiyay fariisimo ay ku dhuumaaleysanayeen kooxahaas, sida ay sheegeen saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka.

Taliska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in la sii xoojin doono howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta si loo xaqiijiyo amniga shacabka.


Share
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.