Wararka24: Weerarradii ay kooxda Xuutiyiinta Yemen toddobaadkan ku qaadeen Sacuudi Carabiya ayaa sare u qaaday walaaca dowladda Pakistan, iyadoo Islamabad ay wajahday cadaadis ku saabsan sida ay u maareyn doonto xiriirka ay la leedahay Iran iyo heshiiska difaac ee kala dhexeeya Sacuudi Carabiya.
Pakistan, oo bishii hore ka qeyb qaadatay dadaalladii lagu dhex-dhexaadinayay xiisadda u dhexeysay Mareykanka iyo Iran, ayaa sanadkii hore la saxiixatay Sacuudi Carabiya heshiis iskaashi oo dhinaca difaaca ah. Dowladda Pakistan ayaa sidoo kale ciidamo iyo cutubyo ka tirsan ciidamada cirka geeyay gudaha boqortooyada.
Saraakiil iyo falanqeeyayaal ayaa sheegay in weerarradii ugu dambeeyay ee Xuutiyiinta ay sare u qaadeen cabsida laga qabo in mar kale dib u qarxo dagaal u dhexeeya Sacuudi Carabiya iyo kooxda hubeysan ee Yemen, taas oo si toos ah u saameyn karta Pakistan.
Sarkaal Pakistani ah oo aan magaciisa la shaacin ayaa sheegay in hoggaanka rayidka iyo militariga Pakistan ay Iran u gudbiyeen fariin cad oo ah in weerar kasta oo lagu qaado Sacuudi Carabiya loo arki doono mid si toos ah u taabanaya Pakistan. Dowladda Pakistan ayaan si rasmi ah uga hadlin hadalkan.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamo Pakistani ah la geeyay meel u dhow xuduudda u dhexeysa Sacuudi Carabiya iyo Yemen, iyadoo Islamabad ay ka walaacsan tahay in sii ballaarashada colaadda ay halis gelin karto ciidamadeeda iyo danaha ganacsi ee gobolka.
Dhanka kale, Pakistan ayaa si dhow ula socota xaaladda gudaha Iran. Ilo wareedyo ayaa sheegay in Islamabad ay ka walaacsan tahay kala aragti duwanaanshaha u dhexeeya hoggaanka siyaasadda Iran iyo Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah, inkastoo dowladda Iran aysan ka hadlin sheegashadaas.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Pakistan, Tahir Andrabi, ayaa ku baaqay in dhammaan dhinacyadu muujiyaan is-xakameyn, isagoo sheegay in wada-hadalka iyo diblomaasiyaddu ay yihiin waddada ugu habboon ee lagu xallin karo xiisadda.
Xiisaddan ayaa kusoo aadaysa xilli Pakistan ay dadaal ugu jirto inay sii waddo doorkeeda dhexdhexaadinta gobolka, iyadoo isla markaana ilaalinaysa xiriirka ay la leedahay dalalka Khaliijka iyo Iran. Falanqeeyayaashu waxay sheegayaan in haddii colaaddu sii fido, Islamabad ay wajihi karto go’aano adag oo saameyn ku yeelan kara siyaasaddeeda dibadda iyo amniga gobolka.


















