Wararka24: Hoggaamiyaha Mucaaradka Israel, Yair Lapid, ayaa ka digay in khatar la geliyo nolosha Israeliyiinta lagu haysto gudaha Marinka Gaza. Isaga oo ka hadlaya idaacad maxali ah, ayaa uu ku dhiirrigeliyay in Xukuumadda Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ay tagto Magaalada Doha, si ay Xamaas ula gasho heshiis lagu soo wada sii deynayo dhammaan maxaabiista harsan.

Netanyahu, waxaan leeyahay aad Doha oo qof walbana gurigiisa ku soo celi,” ayuu yiri Yair Lapid. “Ku laabo Doha oo hadda soo celi.”
Hoggaamiyaha Mucaaradka Israel ayaa sidoo kale xusay in waqtigu uu dhammaanayo,

Isla markaana qaabka hadda wax lagu wado ay khatar ku tahay nolosha maxaabiista iyo amniga Israel.
Yair Lapid ayaa xukuumadda ku adkeeyay inaanay ka bixin heshiiska, isla markaana ay hore ugu sii socoto, sidii maxaabiista iyagoo badqaba ay guryahooda dib ugu soo laaban lahaayeen. Wareysi uu siiyay Raadiyaha Israel ee 103 FM, ayaa wuxuu ku sheegay in uu aaminsan yahay in halmar la soo sii daayo maxaabiista, bedelkii marba qayb la soo deyn lahaa.
“Waxaan tan sheegayay muddo billo ah. Waxaan u baahanahay inaan dhamayno tan, waana in la helo hal heshiis oo qof walba lagu soo celinayo,” ayuu yiri Yair Lapid.
Ka dib markii Xamaas ay ku dhawaaqday inay hakineyso sii deynta maxaabiista, sababo ku aaddan in Israel ay ku xadgudubtay heshiiska xabad joojinta, waxaa gudaha Israel ka bilowday mudaaharaadyo lagu dhalleeceynayo dowladda uu Netanyahu madaxda ka yahay.
Shacabka dibadbaxyada wada ayaa Netanyahu iyo kooxdiisa ku eedeynaya inaysan daacad ka ahayn hirgelinta heshiiska. Warbaahinta Israel ee bidixda ayaa ku warameysa in Xamaas ay tallaabada hakinta sii deynta maxaabiista u qaadday, waa inaysan arkin in xukuumadda ay dhab ka tahay gelitaanka wejiga labaad ee heshiiska xabad joojinta.
Xamaas ayaa dhowr jeer waxay Netanyahu ku eedeysay in uu abuurayo caqabad ka dhan ah saddexdii weji ee lagu heshiiyay, si loogu soo afjaro colaadda Gaza.
Iran oo sheegtay in wadahadal keliya lagu xallin karo khilaafka kadib jawabtii Trump

ShareWararka: Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran Abbas Araghchi ayaa sheegay in xal lagu gaaro wadahadal uu yahay jidka lagu soo afjari karo khilaafka u dhexeeya Tehran iyo Washington, kadib markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu diiday soo-jeedin ku saabsan dib u furidda Marinka Hormuz. Trump ayaa Sabtidii sheegay in uusan aqbalin qorshaha Iran, isagoo ku tilmaamay…
Imaaraadka oo la shaaciyey in uu ka dambeeyey aqoonsiga Israel ee Somaliland

ShareWararka24: Warbixin cusub oo uu soo saaray Golaha Yurub ee Xiriirka Dibadda (ECFR) ayaa lagu sheegay in Sacuudi Carabiya ay rumeysan tahay in Imaaraadka Carabta uu door ku lahaa fududeynta aqoonsigii ay Israel siisay Somaliland, iyadoo Riyadh ay aaminsan tahay in heshiiskaasi uu la xiriiray in Israel ay hesho marin dhinaca ammaanka ah ee dekedda…
Trump oo diiday soo-jeedinta Iran ee dib u furidda Marinka Hormuz

ShareWararka24: Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu diiday soo-jeedin ay Iran u gudbisay Washington, taas oo lagu doonayay in dib loogu furo marinka istiraatiijiga ah ee Hormuz, isla markaana muddo toddoba maalmood gudahood ah dib loogu soo celiyo isu-socodka caadiga ah ee maraakiibta. Trump ayaa arrintan sheegay Sabtidii, isagoo weriyeyaasha kula hadlay Aqalka Cad.…










