Wararka24: Warbaahinta Mareykanka ee Drop Site News ayaa daabacday warbixin sheegaysa in Israel ay joogitaan sirdoon ku leedahay gudaha Somaliland, gaar ahaan agagaarka garoonka diyaaradaha Berbera. Warbixintu waxay soo xiganeysaa saraakiil Soomaali ah, xubno ka tirsan maamulka Somaliland iyo ilo amni oo gobolka la socda, kuwaas oo sheegay in dhaq-dhaqaaqyo la xiriira iskaashi amni ay ka socdaan halkaasi.
Sida lagu sheegay warbixinta, arrintu kama koobna oo keliya hadallo hore oo ku saabsanaa suurtagalnimada saldhig militari, balse waxaa la sheegay in howlaha sirdoon ay durba bilaabmeen. Ilo kala duwan oo ay la hadashay warbaahintaasi ayaa ku andacooday in Israel ay joogitaan amni ku leedahay Berbera, inkastoo aan si madax-bannaan loo xaqiijin karin sheegashooyinkaas.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaan si faahfaahsan uga hadlin warbixinta, hase yeeshee saraakiil lagu sheegay inay ku dhow yihiin xukuumadda Somaliland ayaa sheegay in wada-hadallada lala yeeshay Israel ay diiradda saareen xaaladda amni ee Badda Cas iyo dhaqdhaqaaqyada kooxda Xuutiyiinta ee gobolka.
Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in xubno ka tirsan hay’adaha amniga Somaliland ay tababaro ku soo qaateen Israel, halka kooxo kale lagu sheegay in loo diray dalal kale oo gobolka ah. Si kastaba, xogahan ma helin xaqiijin rasmi ah oo ka timid dhinacyada ay quseyso.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si cad uga soo horjeesatay xiriir kasta oo amni ama militari oo dhex mara Israel iyo Somaliland. Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa hore u sheegay in tallaabo kasta oo noocaas ah ay u arkaan mid ka hor imaanaysa madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya.
Dhanka kale, xiriirka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Somaliland iyo Israel ayaa dhaliyay dood siyaasadeed iyo mid bulsho. Qaar ka mid ah dadka falanqeeya arrimaha gobolka ayaa aaminsan in Somaliland ay u aragto xiriirkan fursad ay ku xoojiso dadaallada ay ugu jirto aqoonsi caalami ah, halka dhinacyo kale ay ka muujinayaan walaac ku saabsan saameynta uu ku yeelan karo gobolka.















