• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Cirro oo la guddoonsiiyay Billadda Sharafta Qaran ee ugu sarreysa Israa’iil + sawiro

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
3 months ago
Reading Time: 3 mins read
Cirro oo la guddoonsiiyay Billadda Sharafta Qaran ee ugu sarreysa Israa’iil + sawiro
Share

Wararka24: Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa lagu guddoonsiiyay Billad Sharafta Friends of Zion Award intii uu ku guda jiray booqasho uu ku joogo Israa’iil. Munaasabadda lagu maamuusay Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ka dhacday xarunta Matxafka Friends of Zion ee magaalada Jerusalem, halkaas oo loogu sameeyay casho-sharaf rasmi ah.

Billaddan ayaa loo aqoonsan yahay mid ka mid ah abaalmarinnada ugu caansan ee ay bixiso hay’adda Friends of Zion. Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland, abaalmarintan waxaa lagu maamuusaa hoggaamiyeyaal iyo shaqsiyaad ay Israa’iil u aragto inay door ku leeyihiin horumarinta xiriirrada iyo iskaashiga caalamiga ah.

Madaxtooyada Somaliland ayaa sheegtay in guddoonsiinta billaddan ay muujinayso heerka uu gaaray xiriirka u dhexeeya Somaliland iyo Israa’iil. Qoraalka ayaa sidoo kale xusay in abaalmarintan hore loo guddoonsiiyay madax iyo hoggaamiyeyaal caalami ah oo xilal sare kasoo qabtay dalalkooda.

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in billaddu ay ka tarjumayso iskaashiga sii kordhaya ee labada dhinac. Madaxtooyadu waxay sheegtay in xiriirkaasi uu salka ku hayo danaha wadajirka ah ee dhinacyada diblomaasiyadda, dhaqaalaha, horumarka iyo is-dhaafsiga aqoonta.

Dhanka kale, booqashada Madaxweynaha Somaliland ee Israa’iil ayaa si weyn indhaha loogu hayaa, iyadoo kusoo aadeysa xilli xiriirka labada dhinac uu yeeshay dhaqdhaqaaq diblomaasiyadeed oo sii xoogeysanaya. Arrintan ayaa dhalisay falcelinno kala duwan oo ka imanaya gudaha gobolka iyo meelo kale.

Falanqeeyayaasha arrimaha siyaasadda ayaa aaminsan in booqashada iyo maamuuska la siiyay Madaxweynaha Somaliland ay qayb ka yihiin dadaallada lagu xoojinayo xiriirka labada dhinac. Sidoo kale, waxay dhacdadani kusoo aadaysaa xilli ay sii socdaan doodaha la xiriira aqoonsiga Somaliland iyo saameynta uu ku yeelan karo xiriirka gobolka Geeska Afrika.


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.