• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Caalamka

Imaaraadka oo la shaaciyey in uu ka dambeeyey aqoonsiga Israel ee Somaliland

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
4 hours ago
Reading Time: 4 mins read
Imaaraadka oo la shaaciyey in uu ka dambeeyey aqoonsiga Israel ee Somaliland
Share

Wararka24: Warbixin cusub oo uu soo saaray Golaha Yurub ee Xiriirka Dibadda (ECFR) ayaa lagu sheegay in Sacuudi Carabiya ay rumeysan tahay in Imaaraadka Carabta uu door ku lahaa fududeynta aqoonsigii ay Israel siisay Somaliland, iyadoo Riyadh ay aaminsan tahay in heshiiskaasi uu la xiriiray in Israel ay hesho marin dhinaca ammaanka ah ee dekedda Berbera.

Warbixinta oo ay 21-kii September qortay khabiirka arrimaha Khaliijka Cinzia Bianco, ayaa lagu sheegay in saraakiil Sacuudi ah ay rumeysnaayeen in Abu Dhabi uu fududeeyay heshiis ay Somaliland xiriir ku la sameysay Israel, iyadoo Berbera lagu daray arrimaha amni ee la xiriiray heshiiskaas. ECFR aya arintan soo arrintan soo bandhigtay iyadoo qayb ka ah falanqeyn ballaaran oo ku saabsan kororka saameynta Imaaraadka iyo loollanka sii xoogeysanaya ee kala dhexeeya Sacuudiga.

Sidoo kale, ECFR ma aysan soo bandhigin dokumenti madax-bannaan oo caddeynaya in aqoonsiga Israel si rasmi ah loogu beddelay marin amni oo Berbera ah, sidaas darteed xogtan waxay ku saleysan tahay aragtida saraakiisha Sacuudiga ee uu qoruhu soo xigtay.

Israel ayaa 26-kii December 2025 si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland inay tahay dal madax-bannaan, iyadoo noqotay dalkii ugu horreeyay ee sidaas sameeya. Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa xilligaas sheegay in tallaabadaasi ay ku dhisan tahay heshiisyada Abraham Accords, halka Somaliland ay sheegtay inay doonayso inay ku biirto heshiisyadaas.

Berbera ayaa ah meel muhiim ah oo ku taalla xeebta Gacanka Cadmeed, meel u dhow marin-biyoodka Bab al-Mandab. Dekedda magaalada waxaa muddo dheer dano ganacsi iyo istiraatiiji ah ku lahaa Imaaraadka, iyadoo shirkadda DP World ay haysato heshiis muddo 30 sano ah oo ku saabsan maamulka dekedda.

Wargeyska Reuters oo hore u falanqeyay

Reuters ayaa sidoo kale hore u soo werisay in aqoonsiga Somaliland uu ka mid yahay meelaha ay ku loollamayaan Sacuudiga iyo Imaaraadka ee Geeska Afrika. Warbixin ay Reuters daabacday Febraayo 2026 ayaa sheegtay in Muqdisho ay Abu Dhabi ku eedeysay inuu saameyn ku lahaa aqoonsiga Israel ee Somaliland, halka Imaaraadku uu muddo dheer ku lahaa maalgashi iyo xiriirro amni oo gobolka ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa aqoonsiga Israel si adag uga hortimid, iyadoo ku tilmaantay tallaabo wax u dhimaysa madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Midowga Afrika ayaa isna diiday aqoonsiga Israel, isagoo taageeray midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Warbixinta ECFR waxay arrintan ku xireysaa loollanka ballaaran ee Sacuudiga iyo Imaaraadka ee ku saabsan saameynta Badda Cas, Yemen iyo Geeska Afrika. Labada dal oo hore u ahaa xulafo dhow ayaa sannadihii dambe ku kala aragti duwanaaday arrimo dhowr ah oo gobolka ah, taasoo tartankooda ku sii fidisay dekedaha iyo waddooyinka ganacsi ee istiraatiijiga ah.


Share

Recommended

Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in Somaliland ay la kulmayso cadaawad badan

Somaliland oo Dacwad Caalami ah ka Gudbisay Dowladda Federaalka Soomaaliya

7 months ago
Xisbiga Himilo Qaran oo digniin ka bixiyay dhammaadka BF

Xisbiga Himilo Qaran oo digniin ka bixiyay dhammaadka BF

6 months ago
DG Puntland oo sheegtay

DG Puntland oo sheegtay in la Dilay in ka Badan 70 Nin oo Daacish ah

2 years ago
Puntland oo xirtay saraakiil lagu eedeeyay inay Garowe ciidamo uga qorayeen dowladda Federaalka

Puntland oo xirtay saraakiil lagu eedeeyay inay Garowe ciidamo uga qorayeen dowladda Federaalka

3 months ago
Ilhaan Cumar oo cambaaraysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan

Ilhaan Cumar oo cambaaraysay duqeymaha Israa’iil ee Lubnaan

6 months ago
Xamza oo Qatar la wadaagay afar qodob oo xasaasi ah

Xamza oo Qatar la wadaagay afar qodob oo xasaasi ah

5 months ago
Soomaaliya oo sheegtay in mashruuca lacagta shilin Soomaaliga cusub uu marayo heer gabagabo ah

Soomaaliya oo sheegtay in mashruuca lacagta shilin Soomaaliga cusub uu marayo heer gabagabo ah

2 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.