Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Sacuudiga oo xayiraado ku billaabay lacagihii loo diri jiray Imaaraadka Carabta

Warbixin ay daabacday wargeyska Financial Times ayaa sheegtay in bangiyo ku yaalla Sacuudiga ay dib u dhigeen ama celiyeen lacagihii loo diri jiray akoonno ku yaalla Imaaraadka Carabta, arrin dhalisay walaac ku saabsan in khilaafka siyaasadeed ee u…

Yasmin Jamal by Yasmin Jamal
July 10, 2026, 11:41 am EAT
Reading Time: 3 mins read
Sacuudiga oo xayiraado ku billaabay lacagihii loo diri jiray Imaaraadka Carabta
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Warbixin ay daabacday wargeyska Financial Times ayaa sheegtay in bangiyo ku yaalla Sacuudiga ay dib u dhigeen ama celiyeen lacagihii loo diri jiray akoonno ku yaalla Imaaraadka Carabta, arrin dhalisay walaac ku saabsan in khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya labada dal uu saameyn ku yeeshay xiriirkooda ganacsi.

Sida lagu sheegay warbixinta, lacagaha laga dirayay bangiyada Sacuudiga kuna socday akoonnada shirkado iyo shaqsiyaad ku sugan Imaaraadka, gaar ahaan magaalada Dubai, ayaa la sheegay in la hakiyay ama dib loo celiyay tan iyo bishii May, iyadoo marar badan aan la bixin wax faahfaahin ah oo ku saabsan sababta.

Mid ka mid ah madaxda shirkad caafimaad oo xarunteedu tahay Dubai ayaa u sheegay Financial Times in dhowr lacagood oo uga imaanayay macmiil Sacuudi ah oo ay muddo dheer wada shaqeynayeen ay bangiyada Sacuudigu hakiyeen ama dib u celiyeen tan iyo bartamihii bishii May.

Dhanka kale, Bangiga Dhexe ee Sacuudiga ayaa beeniyay jiritaanka xayiraado si gaar ah loogu bartilmaameedsanayo Imaaraadka ama dal kale. Bangigu wuxuu sheegay inuusan jirin amar rasmi ah oo lagu xanibayo wareejinta lacagaha dalal gaar ah.

Warbixintu waxay xustay in arrintan ay kusoo aadeyso iyadoo xiriirka u dhexeeya Sacuudiga iyo Imaaraadka uu wajahayo kala aragti duwanaansho ku saabsan arrimo dhowr ah oo gobolka ah. Inkasta oo labada dal ay muddo dheer ahaayeen xulafo dhow, haddana waxaa soo baxay khilaafyo la xiriira siyaasadaha gobolka iyo loollanka dhaqaale.

Khubarada ayaa sheegaya in labada dal ay sidoo kale ku tartamayaan soo jiidashada maalgashiga iyo xarumaha ganacsiga ee gobolka. Sacuudiga ayaa sanadihii u dambeeyay dhiirrigelinayay shirkadaha caalamiga ah inay xarumahooda gobolka u raro gudaha boqortooyada, halkii ay ka ahaan lahaayeen Dubai.

Inkastoo aan weli la xaqiijin in tallaabooyinkan ay ka dhasheen go’aan siyaasadeed oo rasmi ah, warbixinta Financial Times ayaa muujisay in hakadka la sheegay ee lacagaha uu sare u qaaday walaaca ganacsatada iyo shirkadaha ka shaqeeya labada dal. Ilaa hadda, ma jiro wax caddeyn rasmi ah oo muujinaya in xiriirka bangiyada iyo ganacsiga ee Sacuudiga iyo Imaaraadka uu si buuxda u saameeyay khilaafka siyaasadeed.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Imaaraadka oo ka jawaabay eedeymihii Xasan Sheekh, kuna tilmaamay

Imaaraadka oo ka jawaabay eedeymihii Xasan Sheekh, kuna tilmaamay

5 hours ago
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Muungaab oo xarigga ka jaray waddada Jamhuuriya ee degmada Karaan

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Muungaab oo xarigga ka jaray waddada Jamhuuriya ee degmada Karaan

7 hours ago
Yaa xukumi doona Ruushka kadib marka uu  Putin xukunka ka dago?

Yaa xukumi doona Ruushka kadib marka uu Putin xukunka ka dago?

8 hours ago
Soomaaliya oo Imaaraadka ka dalbatay inuu xiriirka

Soomaaliya oo Imaaraadka ka dalbatay inuu xiriirka

8 hours ago
Nin lagu soo oogay isku day dil kaddib weerar

Nin lagu soo oogay isku day dil kaddib weerar

9 hours ago
Booliska Jubbaland oo Kismaayo ku qabtay afar qof oo laga shakiyay tahriib

Booliska Jubbaland oo Kismaayo ku qabtay afar qof oo laga shakiyay tahriib

9 hours ago
Cali Balcad oo diiday inuu ka jawaabo hadallada Trump ee Soomaalida

Cali Balcad oo diiday inuu ka jawaabo hadallada Trump ee Soomaalida

10 hours ago
NISA oo sheegtay inay howlgallo ku dishay laba xubnood oo Al-Shabaab ah

NISA oo sheegtay inay howlgallo ku dishay laba xubnood oo Al-Shabaab ah

10 hours ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.