• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Sunday, September 27, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
5 months ago
Reading Time: 3 mins read
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli
Share

Wararka24: Warar kasoo baxaya magaalada Tripoli ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka iyo kooxo dharcad ah ay maalmihii la soo dhaafay qabqabteen boqolaal muhaajiriin ah oo ku sugnaa caasimadda dalka Libya. Howlgalkan ayaa si gaar ah loogu beegsanayay dadka ajaanibta ah ee aan haysan sharciyada joogitaanka dalka.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in dadka la qabtay ay kor u dhaafayaan 600 oo qof, kuwaas oo ay ku jiraan Soomaali badan. Dadka Soomaaliyeed ee howlgalka lagu qabtay ayaa lagu qiyaasay in ka badan 300 oo qof, kuwaas oo isugu jira rag, haween iyo dhalinyaro.

Soomaalida ku nool Tripoli ayaa sheegaya in ciidamada ay galeen guryo ay deganaayeen muhaajiriin, halka kuwo kale laga qabtay waddooyinka, goobaha ganacsiga iyo gaadiidka dadweynaha. Dad badan ayaa la sheegay in si degdeg ah loogu qaaday gaadiid ay wateen ciidamada howlgalka fulinayay.

Wararka ayaa tilmaamaya in dadka la qabtay la weydiinayay sharciyada ay ku joogaan dalka. Ilaa hadda lama shaacin goobaha rasmi ah ee lagu hayo dadkaasi, waxaana jirta walaac xoogan oo ay qabaan qoysaska iyo ehellada dadka la qabtay.

Qaar kamid ah Soomaalida ku nool Tripoli ayaa sheegay in howlgalka uu sababay cabsi iyo jahwareer, maadaama dad badan aysan weli helin xog ku saabsan halka lageeyay asxaabtooda iyo ehelladooda. Waxaa sidoo kale jira cabsi laga qabo in dadka la qabtay loo wareejiyo xarumo ay adag tahay in war laga helo.

Liibiya ayaa muddo dheer ahayd marin ay adeegsadaan muhaajiriinta ka yimaada dalalka Afrika ee doonaya inay u gudbaan qaaradda Yurub. Dad badan ayaa sanadihii dambe ku xayirmay dalkaasi, iyagoo wajahaya xaalado amni iyo mid nololeed oo adag.

Howlgalkan cusub ayaa sare u qaaday walaaca ku saabsan xaaladda muhaajiriinta Soomaalida ee ku sugan Liibiya, xilli ay sii kordhayaan cabashooyinka la xiriira xarigga iyo xaaladaha adag ee ay la kulmaan dadka ajaanibta ah.


Share

Recommended

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

Trump oo khadka taleefanka kula hadlay hoggaamiyeyaasha Kurdiyiinta ee dalka Ciraaq

7 months ago
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka digay doorasho hal dhinac ah

5 months ago
Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

Maxkamadda gobolka Banaadir oo saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Sacdiya Bajaaj

3 months ago
Taliyaha AFRICOM

Taliyaha AFRICOM: Soomaaliya waxay leedahay fursado ballaaran oo muhiim ah

1 year ago
Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

Mucaaradka Somaliland oo ka horyimid safaaradda Qudus

3 months ago
Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh oo shir ku casuumay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

5 months ago
Puntland

Puntland Oo Ka Hadashay Diyaaraddii Beled Xaawo Geysay Cabdirashiid Janan

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.