Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Pakistan oo hub u dirtay maamulka bariga Liibiya ee uu hoggaamiyo Khalifa Haftar

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Pakistan ay hub u dirtay maamulka bariga Liibiya ee uu hoggaamiyo Khalifa Haftar, iyadoo heshiiskaas ay maalgelinayso Sacuudi Carabiya.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
April 23, 2026, 11:08 am EAT
Reading Time: 3 mins read
Pakistan oo hub u dirtay maamulka bariga Liibiya ee uu hoggaamiyo Khalifa Haftar
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Pakistan ay hub u dirtay maamulka bariga Liibiya ee uu hoggaamiyo Khalifa Haftar, iyadoo heshiiskaas ay maalgelinayso Sacuudi Carabiya.

Ilo Carbeed iyo Reer Galbeed ah oo xog-ogaal u ah arrintan ayaa sheegay in ugu yaraan shan diyaaradood oo xamuul ah ay bishii Maarso hub ka keeneen Pakistan, kuwaas oo laga dejiyay magaalada Benghazi. Mas’uul goobjoog ahaa ayaa xaqiijiyay in shixnadaha la dejiyay, inkastoo aan la faahfaahin nooca hubka.

Wakaaladda Reuters ayaa hore u sheegtay in maamulka bariga Liibiya uu Pakistan la galay heshiis hub oo lagu qiimeeyay 4 bilyan oo doollar, kaas oo noqday midkii ugu weynaa ee Pakistan la gasho dal Afrikaan ah.

Wararkan ayaa kusoo aadaya xilli uu jiro tartan sii xoogeysanaya oo u dhexeeya Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta oo labaduba saameyn ku leh gudaha Liibiya. Ilo-wareedyo ayaa tilmaamay in Riyadh ay dooneyso inay noqoto taageeraha ugu weyn ee Haftar, si ay uga riixdo saameynta Imaaraadka.

Mas’uuliyiin kale ayaa sheegay in tallaabadan ay sidoo kale la xiriirto dadaal lagu xakameynayo qulqulka hubka ee ka gudba xuduudaha Liibiya, gaar ahaan dhinaca Suudaan, halkaas oo dagaallo ay ka socdaan.

Si kastaba, shaki ayaa laga muujiyay sida uu heshiiskan u hirgeli karo, maadaama Haftar iyo qoyskiisu ay weli xiriir dhaqaale iyo mid istiraatiiji ah la leeyihiin Imaaraadka, oo muddo dheer taageerayay.

Dalka Liibiya ayaa weli u kala qeybsan laba maamul oo is haya: dowlad ay caalamku aqoonsan yihiin oo fadhigeedu yahay Tripoli, iyo maamulka bariga ee uu gacanta ku hayo Haftar. Inkastoo ay jirto cunaqabateyn hub oo ay saartay Qaramada Midoobay, haddana quwadaha shisheeye ayaa sii wada faragelinta.

Arrintan ayaa muujineysa loollan cusub oo ka dhex qarxaya dalalka Khaliijka, iyadoo Liibiya ay sii ahaaneyso goob istiraatiiji ah oo ay ku tartamayaan quwadaha gobolka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Yaa xukumi doona Ruushka kadib marka uu  Putin xukunka ka dago?

Yaa xukumi doona Ruushka kadib marka uu Putin xukunka ka dago?

3 hours ago
Soomaaliya oo Imaaraadka ka dalbatay inuu xiriirka

Soomaaliya oo Imaaraadka ka dalbatay inuu xiriirka

3 hours ago
Nin lagu soo oogay isku day dil kaddib weerar

Nin lagu soo oogay isku day dil kaddib weerar

4 hours ago
Booliska Jubbaland oo Kismaayo ku qabtay afar qof oo laga shakiyay tahriib

Booliska Jubbaland oo Kismaayo ku qabtay afar qof oo laga shakiyay tahriib

5 hours ago
Cali Balcad oo diiday inuu ka jawaabo hadallada Trump ee Soomaalida

Cali Balcad oo diiday inuu ka jawaabo hadallada Trump ee Soomaalida

5 hours ago
NISA oo sheegtay inay howlgallo ku dishay laba xubnood oo Al-Shabaab ah

NISA oo sheegtay inay howlgallo ku dishay laba xubnood oo Al-Shabaab ah

5 hours ago
Ronaldinho oo dib garoomada ugu soo noqday isagoo

Ronaldinho oo dib garoomada ugu soo noqday isagoo

1 day ago
Somaliland oo xirtay ragii mareykan ka oo laga casuumay xafiiska

Somaliland oo xirtay ragii mareykan ka oo laga casuumay xafiiska

1 day ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.