Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Caalamka

Israa’iil oo qabsatay xarunta qaxootiga Qaramada Midoobay ee Bariga Qudus

Ciidamada ammaanka Israa’iil ayaa qabsaday oo xiray Xarunta Tababarka Qalandia ee hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin (UNRWA), taas oo ahayd xaruntii ugu dambeysay ee hay’addu ku lahayd Bariga Qudus ee la haysto.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
August 27, 2026, 11:22 am EAT
Reading Time: 3 mins read
Israa’iil oo qabsatay xarunta qaxootiga Qaramada Midoobay ee Bariga Qudus
Share

Wararka24: Ciidamada ammaanka Israa’iil ayaa qabsaday oo xiray Xarunta Tababarka Qalandia ee hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin (UNRWA), taas oo ahayd xaruntii ugu dambeysay ee hay’addu ku lahayd Bariga Qudus ee la haysto.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa cambaareeyay tallaabada Israa’iil, iyadoo afhayeenkiisa Stephane Dujarric uu sheegay in xarumaha Qaramada Midoobay ay ka midilaalin gaar ah oo uu siinayo sharciga caalamiga ah.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay inuu amray in xarunta la daadgureeyo, isagoo ku eedeeyay UNRWA inay xiriir la leedahay weerarkii Xamaas ee 7-dii Oktoobar 2023. UNRWA ayaa si adag u diidday eedeymahaas.

Wasiirka Amniga Qaranka Israa’iil, Itamar Ben-Gvir, ayaa isna goobta tagay xilligii ciidamada ay howlgalka ka wadeen xarunta, waxaana uu si cad u taageeray tallaabada lagu xiray asagoo iska so dubay muqaal mujinaya asago oo fadhiya xafiska shirkada.

Xarunta Qalandia oo la aasaasay 1952 ayaa sannad kasta siin jirtay boqolaal Falastiiniyiin ah tababbarro xirfadeed oo ay ka mid yihiin nijaarnimada, farsamada baabuurta iyo tuubooyinka.

UNRWA ayaa sheegtay in ciidamada hubeysan ay xarunta galeen iyaga oo aan haysan oggolaansho Qaramada Midoobay, iyadoo ku tilmaantay tallaabada mid aan la aqbali karin.

Israa’iil ayaa sannadkii hore dhaqan gelisay sharciyo xaddidaya howlaha UNRWA, iyadoo sidoo kale amarro xiritaan lagu soo rogay lix dugsi oo hay’addu ku lahayd Bariga Qudus.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in xiritaanka xarunta Qalandia uu ka hor istaagi doono dhalinyaro Falastiiniyiin ah inay helaan tababbarro xirfadeed, iyadoo walaac laga muujiyay saameynta ay tallaabadu ku yeelan karto adeegyada bulshada.

Israa’iil ayaa sidoo kale horey UNRWA ugu eedeysay in qaar ka mid ah shaqaalaheeda ay ku lug lahaayeen weerarkii 7-dii Oktoobar 2023. Baaritaan Qaramada Midoobay ay sameysay ayaa sheegay in sagaal kiis laga helay oo muujinaya ku lug lahaanshaha werarka, halka kiisaska kale aan laga helin caddayn ku filan.

Tallaabadan ayaa sii kordhin karta khilaafka u dhexeeya Israa’iil iyo UNRWA, iyadoo hay’addu door weyn ku leedahay adeegyada caafimaad, waxbarashada iyo gargaarka ay helaan qaxootiga Falastiiniyiinta.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

9 hours ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

10 hours ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

1 day ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

2 days ago
Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

Farmaajo oo Muqdisho ku soo laabtay iyo wada-hadallo la filaya in ay furman

3 days ago
Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

Dowladda Federaalka oo Saraakiil ciidan u dirtay Baydhabo

3 days ago
Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

Ilhaan Cumar oo ka guureyso gurigeeda Washington DC iyo Wareysi ay bixisay

3 days ago
“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

“Masar waxay difaaci doontaa dhulka Sacuudiga, mana weerari doonto Yemen” Al-Sisi

4 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.