• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Caalamka

Israa’iil oo qabsatay xarunta qaxootiga Qaramada Midoobay ee Bariga Qudus

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
2 weeks ago
Reading Time: 3 mins read
Israa’iil oo qabsatay xarunta qaxootiga Qaramada Midoobay ee Bariga Qudus
Share

Wararka24: Ciidamada ammaanka Israa’iil ayaa qabsaday oo xiray Xarunta Tababarka Qalandia ee hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin (UNRWA), taas oo ahayd xaruntii ugu dambeysay ee hay’addu ku lahayd Bariga Qudus ee la haysto.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa cambaareeyay tallaabada Israa’iil, iyadoo afhayeenkiisa Stephane Dujarric uu sheegay in xarumaha Qaramada Midoobay ay ka midilaalin gaar ah oo uu siinayo sharciga caalamiga ah.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay inuu amray in xarunta la daadgureeyo, isagoo ku eedeeyay UNRWA inay xiriir la leedahay weerarkii Xamaas ee 7-dii Oktoobar 2023. UNRWA ayaa si adag u diidday eedeymahaas.

Wasiirka Amniga Qaranka Israa’iil, Itamar Ben-Gvir, ayaa isna goobta tagay xilligii ciidamada ay howlgalka ka wadeen xarunta, waxaana uu si cad u taageeray tallaabada lagu xiray asagoo iska so dubay muqaal mujinaya asago oo fadhiya xafiska shirkada.

Xarunta Qalandia oo la aasaasay 1952 ayaa sannad kasta siin jirtay boqolaal Falastiiniyiin ah tababbarro xirfadeed oo ay ka mid yihiin nijaarnimada, farsamada baabuurta iyo tuubooyinka.

UNRWA ayaa sheegtay in ciidamada hubeysan ay xarunta galeen iyaga oo aan haysan oggolaansho Qaramada Midoobay, iyadoo ku tilmaantay tallaabada mid aan la aqbali karin.

Israa’iil ayaa sannadkii hore dhaqan gelisay sharciyo xaddidaya howlaha UNRWA, iyadoo sidoo kale amarro xiritaan lagu soo rogay lix dugsi oo hay’addu ku lahayd Bariga Qudus.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in xiritaanka xarunta Qalandia uu ka hor istaagi doono dhalinyaro Falastiiniyiin ah inay helaan tababbarro xirfadeed, iyadoo walaac laga muujiyay saameynta ay tallaabadu ku yeelan karto adeegyada bulshada.

Israa’iil ayaa sidoo kale horey UNRWA ugu eedeysay in qaar ka mid ah shaqaalaheeda ay ku lug lahaayeen weerarkii 7-dii Oktoobar 2023. Baaritaan Qaramada Midoobay ay sameysay ayaa sheegay in sagaal kiis laga helay oo muujinaya ku lug lahaanshaha werarka, halka kiisaska kale aan laga helin caddayn ku filan.

Tallaabadan ayaa sii kordhin karta khilaafka u dhexeeya Israa’iil iyo UNRWA, iyadoo hay’addu door weyn ku leedahay adeegyada caafimaad, waxbarashada iyo gargaarka ay helaan qaxootiga Falastiiniyiinta.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.