Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

DAAWO: Xisbiga Towfiiq oo soo dhaweeyay go’aanka Maxkamadda Sare

Guddoomiyaha Xisbiga Siyaasadeed ee Towfiiq, Sheekh Axmed Shaakir, ayaa soo dhaweeyay go’aanka Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ay ku laashay natiijooyinkii doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka Galmudug. Wuxuu sheegay in go’aanka Maxkamaddu uu rajo cusub u abuurayo dadka…

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
August 24, 2026, 6:00 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
DAAWO: Xisbiga Towfiiq oo soo dhaweeyay go’aanka Maxkamadda Sare
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Guddoomiyaha Xisbiga Siyaasadeed ee Towfiiq, Sheekh Axmed Shaakir, ayaa soo dhaweeyay go’aanka Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ay ku laashay natiijooyinkii doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka Galmudug. Wuxuu sheegay in go’aanka Maxkamaddu uu rajo cusub u abuurayo dadka Soomaaliyeed.

Sheekh Axmed Shaakir oo shir jaraa’id qabtay ayaa taageerayaasha xisbiga ugu baaqay inay si wanaagsan oo nabad ah u soo dhaweeyaan go’aanka Maxkamadda Sare. Wuxuu sidoo kale hambalyo u diray xubnaha iyo taageerayaasha Towfiiq, isagoo sheegay in dadaalkii ay sameeyeen uu miro dhalay.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in cabashooyinkii xisbigiisa iyo dhinacyada kale ay gudbiyeen ay Maxkamadda Sare tixgelisay. Wuxuu ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed inay ilaaliyaan xasilloonida, isla markaana ay ka fogaadaan wax kasta oo sababi kara qalalaase ka dhasha go’aanka.

Sheekh Axmed Shaakir ayaa sidoo kale ugu baaqay ciidamada qalabka sida iyo dowladda federaalka Soomaaliya inay ilaaliyaan amniga iyo shacabka. Wuxuu sheegay in arrintan ay muhiim tahay xilli bulshada qaybaheeda kala duwan ay muujinayaan rabitaankooda ku aaddan doorasho qof iyo cod ah.

Guddoomiyaha Towfiiq ayaa sheegay in xisbigiisu muddo siddeed bilood ah u ololeynayay doorasho xor iyo xalaal ah oo lagu saleeyo mabaadi’da iyo habraacyada sharciga. Sida uu sheegay, go’aanka Maxkamadda Sare wuxuu xaqiijinayaa in cabashooyinkii ay muddo dheer soo gudbinayeen loo dhageystay.

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa dhawaan go’aamisay in natiijooyinkii doorashooyinkii isku sidkanaa ee Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka Galmudug, oo dhacay 30-kii Luulyo 2026, aysan waafaqsanayn Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka dalka.

Maxkamaddu waxay sidoo kale amartay in la qabto doorashooyin cusub, iyadoo Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha loo xilsaaray diyaarinta jadwalka iyo habraaca doorashada cusub. Hay’adaha hadda jira ayaa loo oggolaaday inay sii shaqeeyaan ilaa laga soo doorto hay’ado cusub oo ku yimaada doorasho waafaqsan sharciga.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

53 minutes ago
Madaxweyne Ruto ee Kenya iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, sawirro kala duwan

Madaxweyne Ruto oo Moscow u ambabaxay, iyo la kulanka Putin

1 hour ago
AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

AFRICOM oo beenisay eedeymo la xiriira duqeymaha ka socda koonfurta Soomaaliya

21 hours ago
DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

DF oo sheegtay in 75 dagaalame oo Al-Shabaab ah lagu dilay gobolka Baay

21 hours ago
Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

Dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo maanta

2 days ago
Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

Lix askari oo ku dhintay laba qarax oo ka dhacay duleedka Baydhabo

2 days ago
Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo badan u dirtay Buurhakaba

3 days ago
Burburka dhisme ku dumay waddada 9-aad ee Islii iyo cagaf ka shaqaynaysa goobta.

NCA oo shaacisay shirkadaha iyo injineerada ku diiwaangashan dhismihii ku dumay Islii

4 days ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.