Wararka24: Xogo cusub oo laga helay sawirro dayax-gacmeed ayaa muujinaya in dowladda Itoobiya si qarsoodi ah taageero milatari u siinayso Ciidamada Gurmadka Degdegga ah ee Suudaan ee loo yaqaan RSF.
Warbixintan oo ay soo saareen cilmi-baarayaal ka tirsan Shaybaarka Cilmi-baarista Bani’aadanimo ee Jaamacadda Yale ayaa tilmaamaysa in taageeradan laga fulinayo saldhig ay leeyihiin Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya oo ku yaalla meel u dhow magaalada Asosa.
Cilmi-baarayaashu waxay sheegeen in dhaqdhaqaaqyo muddo bilo ah socday ay muujinayaan in baabuur dagaal iyo qalab milatari lagu diyaarinayo saldhiggaas, kadibna loo gudbinayo gudaha Suudaan.
Sawirrada ayaa sidoo kale muujiyay in baabuurta lagu rakibayay hub culus, isla markaana ay halkaasi ka jireen teendhooyin iyo agab loogu talagalay dagaalyahanno.
Warbixintu waxay intaas ku dartay in saldhigga Asosa uu noqday xarun muhiim ah oo saadka iyo dayactirka u ah howlaha RSF.
Dhinaca kale, ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegay in Imaaraadka Carabta uu door weyn ku leeyahay taageerada RSF, iyadoo la sheegay in sahayda qaarkeed ay soo marto magaalada Berbera.
Muuqaallo la baahiyay ayaa muujinaya gaadiid dagaal oo laga soo qaaday Berbera loona gudbiyay gudaha Itoobiya, taas oo muujinaysa isbeddel dhanka istaraatiijiyadda gobolka ah.
Dowladda Imaaraadka ayaa horay u beenisay inay taageero siiso RSF, halka Itoobiya aysan weli si rasmi ah uga hadlin eedeymahan cusub.
Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli dagaalka Suudaan uu sii xoogeysanayo tan iyo bishii Abriil 2023, kaas oo sababay barakac ballaaran iyo dhibaato bini’aadanimo oo xooggan.


















