• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Friday, September 11, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Puntland oo faahfaahin ka bixisay edheeyma la xarira dhulka dowladda ee Boosaaso

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
5 hours ago
Reading Time: 3 mins read
Puntland oo faahfaahin ka bixisay edheeyma la xarira dhulka dowladda ee Boosaaso
Share

WARARKA24: Puntland ayaa sheegtay in qorshaha lagu banneynayo xarumaha iyo dhulalka dowladda ee magaalada Boosaaso uu yahay mid loogu talagalay in hantida dowladda dib loogu soo celiyo gacanta dowladda, si loogu adeegsado danaha guud ee bulshada.

Guddoomiyaha degmada Boosaaso, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cali, ayaa sheegay in maamulka degmada uu muddo bilo ah waday qorshe lagu soo celinayo goobaha dowladda, kuwaas oo qaarkood muddo dheer ay gacanta ugu jireen dad gaar ah. Wuxuu sheegay in tallaabadan aysan la mid ahayn howlgallada burburinta dhismayaasha dadweynaha ee ka socda Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in maanta maamulka uu gaaray xaruntii hore ee booliiska, taas oo qeyb ka ah goobaha dowladda ee dib loogu soo celinayo gacanta maamulka. Wuxuu intaas ku daray in maalmaha soo socda la gaari doono xarumo iyo goobo kale oo dowladda leedahay oo ku yaalla magaalada.

Sida uu sheegay, goobaha la baneeyo dib looguma celin doono shaqsiyaad ama ganacsato, balse waxaa loo qorsheynayaa in loo isticmaalo adeegyada bulshada iyo meelaha dadweynaha. Ujeeddada ugu weyn ayaa ah in dhulka dowladda laga dhigo hanti si qorshaysan uga faa’iideysa bulshada, isla markaana qeyb ka noqota hagaajinta bilicda magaalada.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in dib-u-habaynta Boosaaso ay bilaabatay bilo ka hor, iyadoo shaqada laga soo bilaabay agagaarka xarunta dowladda hoose. Qorshaha ayaa sida uu sheegay hadda ku sii fidaya waddada dheer ee isku xirta magaalada iyo garoonka diyaaradaha.

Guddoomiyaha ayaa xusay in kobaca degdegga ah ee Boosaaso iyo muhiimaddeeda istiraatiijiyadeed ay abuureen baahi loo qabo qorsheyn cusub oo magaalada lagu horumarinayo. Wuxuu sheegay in qorshaha cusub uu diiradda saarayo in magaalada loo sameeyo goobo dadweyne oo la jaanqaadaya baahiyaha bulshada iyo isbeddelka ka dhacay Boosaaso.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Boosaaso afartankii sano ee lasoo dhaafay ay hoy u noqotay dad badan oo Soomaaliyeed, isla markaana magaalada ay weli diyaar u tahay inay soo dhaweyso dad cusub. Si kastaba, wuxuu adkeeyay in dhulka dowladda loo baahan yahay in loo isticmaalo si nidaamsan oo bulshada loogu abuuro adeegyo iyo goobo waxtar leh.

Maamulka degmada Boosaaso ayaa sheegay inuu sii wadi doono qorshaha banneeynta goobaha dowladda iyo dib-u-habaynta magaalada, iyadoo xoogga la saarayo bilicda magaalada, qorsheynta dhulka iyo in hantida dowladda loogu adeego danaha guud.


Share

Recommended

Sacuudiga oo xayiraado ku billaabay lacagihii loo diri jiray Imaaraadka Carabta

Sacuudiga oo xayiraado ku billaabay lacagihii loo diri jiray Imaaraadka Carabta

2 months ago
Duqeyn ka dhacday  Jubbada Hoose oo sababtay dhimashada 3qoys oo ka koobnaa 12 qof

Duqeyn ka dhacday Jubbada Hoose oo sababtay dhimashada 3qoys oo ka koobnaa 12 qof

3 months ago
Faylasha Jeffrey Epstein oo laga ogaaday hawlgallo iyo xiriirro ka jiray Geeska Afrika

Faylasha Jeffrey Epstein oo laga ogaaday hawlgallo iyo xiriirro ka jiray Geeska Afrika

7 months ago
Beesha caalamka oo ku baaqday in heshiis laga gaaro doorashada Soomaaliya

Beesha caalamka oo ku baaqday in heshiis laga gaaro doorashada Soomaaliya

3 months ago
Al-Shabaab oo digniin kasoo saaray dhulka la isku heysto ee Muqdisho

Al-Shabaab oo digniin kasoo saaray dhulka la isku heysto ee Muqdisho

12 months ago
Soomaaliya oo Tacsi u Dirtay Aljeeriya Kadib Dab Ka Kacay Xarun Agoomaha Lagu Daryeelo

Soomaaliya oo Tacsi u Dirtay Aljeeriya Kadib Dab Ka Kacay Xarun Agoomaha Lagu Daryeelo

2 months ago
Faahfaahinta Dilka manta hargeysa Somaliland

Wararka24: Booliska Somaliland oo soo qabtay eedeysane loo haysto dil ka dhacay Manta Hargeysa? +Faah faahin dherad ah

1 year ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.