Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir
Home Somalia

Puntland oo tallaabo sharci ah ka qaadaysa hubka sharci-darrada ah

Puntland ayaa ku dhawaaqday in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo haysashada, soo gelinta, iibinta ama isticmaalka hub sharci-darro ah gudaha deegaanada maamulka.

Mohamed Amin Ali by Mohamed Amin Ali
September 2, 2026, 5:24 pm EAT
Reading Time: 3 mins read
Puntland oo tallaabo sharci ah ka qaadaysa hubka sharci-darrada ah
Share

Kudar Wararka24 GoogleKa dhig Wararka24 il aad door bidayso Google si aad u aragto wararkayaga marka hore.

Wararka24: Puntland ayaa ku dhawaaqday in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo haysashada, soo gelinta, iibinta ama isticmaalka hub sharci-darro ah gudaha deegaanada maamulka.

Go’aankan ayaa kasoo baxay shir amni oo magaalada Boosaaso uu ku guddoomiyey Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, kaas oo looga hadlay xaaladda amni ee gobolka Bari iyo sidii loo xoojin lahaa xakamaynta hubka sharci-darrada ah.

Maamulka ayaa sheegay in hay’adaha amniga iyo caddaaladda loo xil saaray fulinta go’aanka, iyadoo hub kasta oo sharci-darro ah oo lagu qabto gudaha Puntland lala wareegi doono.

Sidoo kale, tallaabada ayaa lagu qaadi doonaa dadka lagu helo inay hub sharci-darro ah soo geliyaan Puntland, ka ganacsadaan ama si aan sharci ahayn u isticmaalaan. Puntland waxay sheegtay in dadkaasi wajihi doonaan tallaabooyin waafaqsan sharciga.

Shirka amniga ayaa sidoo kale lagu go’aamiyey in lala wareego hubka loo adeegsado dagaallada beelaha, iyadoo dadka ku lug yeesha abaabulka, hurinta ama sii wadista colaadaha beelaha laga qaadi doono tallaabo sharci ah.

Maamulka Puntland ayaa sheegay in xakamaynta hubka sharci-darrada ah ay qayb ka tahay qorshayaasha lagu xoojinayo amniga gobolka Bari, iyadoo la doonayo in la yareeyo khataraha ka dhasha hubka si aan nidaamsanayn u faafa.

Go’aankan ayaa sidoo kale kusoo beegmaya xilli Puntland ay waddo howlgallo ka dhan ah kooxaha hubeysan, burcad-badeedda iyo tahriibka, kuwaas oo maamulka uu sheegay inay kamid yihiin caqabadaha amni ee ka jira deegaanadiisa.

Puntland ayaa hay’adaha ay khusayso ku amartay inay si gaar ah uga shaqeeyaan hirgelinta go’aannada kasoo baxay shirka, si loo xoojiyo amniga iyo kala dambeynta guud ee deegaanada maamulka.


Share

Wararkii ugu dambeeyay

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

FBI-da oo raadinaysa nin Soomaali ah oo lala xiriiriyay dil ka dhacay Mareykanka

1 day ago
Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

Soomaaliya oo markii ugu horreysay laga sameeyay qalliinka maqal-beerista

1 day ago
Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

Dagaalka Koonfur Galbeed oo xiisad abuuray Soomaaliya iyo Kenya

1 day ago
Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

Flavio Bolsonaro oo Brazil ka baxay, Mareykanka oo fiise siinaya

1 day ago
Doorashada Israa'iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

Doorashada Israa’iil: Netanyahu iyo Eisenkot oo isku dhow

1 day ago
Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

Kai Rooney oo afar gool u dhaliyay Manchester United U18

1 day ago
Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

Xabi Alonso: Waan dabaaldegi doonaa haddii Chelsea dhaliso

1 day ago
Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

Koobka Carabao: Fleetwood oo Arsenal ku reebtay wareega afaraad

1 day ago
ADVERTISEMENT
wararka24

Wararka24 brings you the latest Somali news and perspectives on politics, society, sport and the world.

Stay informed. See the bigger picture.

Explore

Latest NewsSomaliaWorldAfricaSportsSociety

Wararka24

About UsContact UsEditorial PolicyPrivacy PolicyTerms & Conditions

  • About Us
  • Contact Us
  • Terms & Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
  • Kudar Wararka24 Google

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Nala Soo Xiriir

© 2026 Wararka24. All Rights Reserved.

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

Wararka maanta Soomaaliya iyo caalamka

  1. 1Ku fur bogga Safari, kadib riix badhanka La wadaag ee hoose ee Safari.
  2. 2Hoos u dhaadhac, dooro Add to Home Screen
  3. 3Haddii uu muuqdo, daar Open as Web App, kadib riix Add. Wararka24 ayaa ka soo muuqan doona shaashaddaada.
  1. 1Waxaad ku jirtaa app kale (Facebook, WhatsApp, TikTok…).
  2. 2Riix ⋮ ama ··· ee geeska sare, kadib dooro Open in browser.
  3. 3Browser-ka marka uu furmo, riix badhanka Ku dar app-ka Wararka24.
  1. 1Riix ⋮ (saddexda dhibcood) ee browser-ka.
  2. 2Dooro Install app ama Add to Home screen.
  3. 3Xaqiiji. Wararka24 ayaa ku soo bixi doona shaashaddaada.

Mahadsanid! Wararka24 waxaa lagu daray taleefankaaga.