Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ku eedeysay inuu hadalladiisa iyo mowqifka maamulkiisa ku dhiirrigelinayo kooxaha burcad-badeedda inay dalbadaan madax-furasho marka ay afduubtaan maraakiibta.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in warqad uu soo saaray maamulka Puntland ay ka muuqato mowqif uu ku tilmaamay mid u hiilinaya burcad-badeedda iyo bixinta lacagaha madax-furashada. Wuxuu sheegay in arrintani ay fariin khaldan u diri karto kooxaha ku lugta leh afduubka maraakiibta.
Fiqi ayaa sheegay in lacag kasta oo la siiyo burcad-badeedda ay awood u siinayso inay sii wadaan falalkooda, isla markaana ay kordhin karto khatarta ah in maraakiib kale la afduubto. Sida uu sheegay, bixinta madax-furashadu waxay kooxaha burcad-badeedda siin kartaa dhiirrigelin dhaqaale.
“Lacag kasta oo la siiyo burcad-badeedda waxay sii maalgelinaysaa fal-dambiyeedkaas, waxayna ku dhiirrigelinaysaa inay maraakiib kale qabsadaan,” ayuu yiri wasiirku.
Wasiirka ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladaha ay maraakiibtoodu ku xayiran yihiin xeebaha Soomaaliya inaysan bixin lacag madax-furasho ah. Wuxuu sheegay in lacagaha noocaas ah ay maalgelinayaan burcad-badeednimada isla markaana ay sii kordhinayaan awoodda kooxaha afduubka geysta.
Fiqi ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay diyaar u tahay inay ka shaqeyso sidii xal loogu heli lahaa maraakiibta iyo doomaha ay burcad-badeeddu gacanta ku hayaan. Hase yeeshee, wuxuu ku adkeystay in xal kasta uusan ku salaysnaan karin in kooxaha la siiyo lacag ay ku sii wataan falalkooda.
Dhanka kale, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa Madaxweynaha Puntland ugu baaqay inuu kaalin muuqata ka qaato dagaalka lagula jiro burcad-badeednimada. Wuxuu xusay in Puntland ay leedahay ciidamo badeed iyo ciidamo ka howlgala xeebaha, kuwaas oo muddo dheer taageero ka helayay beesha caalamka.
Fiqi ayaa sheegay in kooxaha burcad-badeedda looga baahan yahay in lagala dagaallamo dhulka iyo xeebaha, isagoo xusay in qaar ka mid ah dadka lagu tuhunsan yahay falalkaasi la aqoonsan yahay, qaarkoodna ay ku nool yihiin magaalooyin iyo deegaanno ka tirsan Puntland.
Hadallada wasiirka ayaa yimid kadib markii markabka LATUF, oo la sheegay inuu qalab u siday xarunta Turkisom, laga sii daayay gacanta burcad-badeed. Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in markabka si xoog ah loo soo furtay, halka maamulka Puntland uu sheegay in madax-furasho la siiyay kooxihii haystay.







