Wararka24: Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanka uu heshiis la galay dowladda ku-meel-gaarka ah ee Venezuela oo siinaya Washington gacan ku hayn aqlabiyad ah oo ku keyd shidaal oo ah in ka badan 65 bilyan oo foosto. Heshiiska ayaa la xiriira 17 goobood oo shidaal ah, waxaana la sheegay in shirkad cusub oo iskaashi ah ay maamuli doonto horumarinta iyo soo saarista shidaalka.
Heshiiska waxaa wada-xaajoodkiisa ka qayb qaatay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Marco Rubio iyo Xoghayaha Difaaca Pete Hegseth, iyadoo dhinaca Venezuela ay matalaysay madaxweynaha ku-meel-gaarka ah Delcy Rodríguez. Sida ay sheegeen saraakiil Mareykan ah, heshiisku wuxuu siinayaa shirkadda wadajirka ah xuquuq muddo 100 sano ah oo ay ku horumariso goobaha shidaalka.

Sidee Mareykanka iyo Venezuela uu kala qeybsanan dakhliga shidaalka
Dowladda Mareykanka ayaa la sheegay inay yeelanayso 55 boqolkiiba gacan-ku-haynta mashruuca, taas oo ka dhalanaysa saamiga ay ku leedahay shirkadda iyo awoodda ay ku heli karto shidaalka qiimaha wax-soo-saarka. Faahfaahinta dhammeystiran ee qaab-dhismeedka shirkadda iyo cidda gaarka qaybta kale qaadanaysa weli si buuxda looma shaacin.
Maamulka Trump ayaa sheegay in heshiisku soo jiidan karo ku dhawaad 100 bilyan oo dollar oo maalgashi gaar loo leeyahay, halka dowladda Venezuela ay sheegtay in mashruucu dhalin karo in ka badan 209 bilyan oo dollar oo canshuuro ah. Washington ayaa sidoo kale sheegtay in heshiisku uusan kharash toos ah ku keenayn canshuur-bixiyeyaasha Mareykanka.
Kaydka 65-ka bilyan ee foosto ayaa ka dhigan qayb ka mid ah kaydka shidaal ee la xaqiijiyay ee Venezuela, oo lagu qiyaaso in ka badan 300 bilyan oo foosto. Venezuela ayaa sidaas ku leh kaydka shidaal ee ugu weyn dunida, inkastoo wax-soo-saarkeeda uu hoos u dhacay sababo la xiriira burburka kaabayaasha, maalgelin la’aanta iyo dhibaatooyin muddo dheer ka jiray waaxda shidaalka.
Heshiiskan ayaa yimid bilo kadib hawlgalkii milatari ee Mareykanka ee 3-dii Janaayo 2026, kaas oo ciidamada Mareykanka ay ku qabteen madaxweynihii xilligaas ee Venezuela, Nicolás Maduro. Kadib dhacdadaas, Delcy Rodríguez, oo hore u ahayd madaxweyne ku-xigeenka dalka, ayaa loo dhaariyay madaxweyne ku-meel-gaar ah 5-tii Janaayo.
Maamulka cusub ee Venezuela ayaa tan iyo markaas qaaday tallaabooyin lagu furayo waaxda shidaalka maalgelinta gaarka loo leeyahay. Heshiiska cusub ayaa qayb ka ah dadaalka lagu soo celinayo shirkadaha tamarta iyo maalgelinta shisheeye, iyadoo la doonayo in dib loo dhiso kaabayaasha wax-soo-saarka shidaalka ee dalka.
Si kastaba, khubaro ayaa tilmaamay in kordhinta wax-soo-saarka shidaalka Venezuela aysan si degdeg ah u dhici doonin, maadaama dib u dhiska kaabayaasha iyo soo saarista saliidda culus ee dalka ay u baahan yihiin maalgelin iyo waqti badan. Sidaas darteed, saameynta heshiiska ee sahayda shidaalka Mareykanka iyo qiimaha tamarta ayaa laga yaabaa inay qaadato sannado ka hor inta aysan si muuqata u hiirgalin.







