Wararka24: Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay xayiraado cusub oo dhinaca dal-ku-galka ah oo saameynaya muwaadiniinta Soomaaliyeed, kadib markii uu sheegay in Soomaaliya aysan si buuxda ula shaqeyn dib-u-qaabilaadda muwaadiniinteeda ku sugan dalalka Yurub si sharci-darro ah.
Go’aanka oo kasoo baxay Golaha Midowga Yurub ayaa si toos ah u saameynaya codsiyada fiisaha muddada-gaaban ee Schengen. Sida lagu sheegay go’aanka, dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub ma bixin doonaan fiisaha dhowr jeer lagu galo ee loo yaqaan multiple-entry visa, waxaana sidoo kale la adkeeyay shuruudaha dukumentiyada looga baahan yahay codsadayaasha Soomaaliyeed.
Midowga Yurub ayaa sidoo kale kordhiyay muddada lagu baarayo codsiyada fiisaha oo laga dhigay 45 maalmood halkii ay hore u ahayd 15 maalmood. Waxaa intaa dheer in la joojiyay dhaafitaankii khidmadda fiisaha ee dadka haysta baasaboorrada diblomaasiga iyo kuwa adeegga dowladda.
Golaha Midowga Yurub ayaa sheegay in tallaabadan ay tahay mid ku-meel-gaar ah, isla markaana looga gol leeyahay in Soomaaliya lagu dhiirrigeliyo inay hagaajiso wada-shaqeynta dib-u-qaabilaadda muwaadiniinteeda aan sharci ku joogin dalalka Yurub. Waxa uu xusay in xannibaadaha dib loo eegi doono haddii ay Soomaaliya muujiso horumar la taaban karo.
Go’aankan ayaa qayb ka ah siyaasadda cusub ee Midowga Yurub ee lagu adkeynayo dib-u-celinta dadka aan sharci ku lahayn dalalka xubnaha ka ah. Midowga Yurub ayaa hore tallaabooyin la mid ah ugu qaaday dalal kale, iyadoo qaar ka mid ah xayiraadahaas markii dambe laga qaaday kadib markii la hagaajiyay iskaashiga dib-u-celinta.
Xannibaadaha cusub ayaa la filayaa inay saameyn ku yeeshaan ganacsatada, ardayda, dadka booqashada uga taga qoysaskooda iyo mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ee qorsheynaya safarro gaagaaban oo ay ku tagayaan dalalka Schengen. Ilaa hadda Dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan go’aankan cusub.


















