Wararka24: Midowga Yurub ayaa ugu baaqay hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya inay si degdeg ah dib ugu bilaabaan wada-hadallada lagu raadinayo xal ku saabsan hannaanka doorashooyinka dalka, xilli ay weli taagan yihiin xiisadaha siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka.
Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa sheegtay in Midowga Yurub uu xiriir la leeyahay dhammaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya, isla markaana uu dhiirrigelinayo wada-hadalka sidii waddada ugu habboon ee lagu xallin karo khilaafaadka jira.
“Ma qaadanno mowqif dhinac gaar ah lagu taageerayo. Waxa aan dhiirrigelinaynaa waa wada-hadal,” ayay tiri Danjire Di Mauro.
Waxay sheegtay in Midowga Yurub uu aaminsan yahay in khilaafaadka siyaasadeed lagu xallin karo oo keliya wada-xaajood iyo heshiisyo ay dhinacyadu isku raacsan yihiin, halkii laga dooran lahaa isku dhac siyaasadeed ama go’aanno hal dhinac ah.
Francesca Di Mauro ayaa sidoo kale sheegtay in wada-hadallo u dhexeeyay dowladda federaalka, mucaaradka iyo qaar kamid ah dowlad-goboleedyada ay jireen kahor intii aysan iman Soomaaliya bishii Sebtembar ee sanadkii hore, iyadoo xustay in Midowga Yurub uu xiriir joogto ah la yeeshay dhammaan dhinacyada.
Danjiraha ayaa ugu baaqday dhinacyada siyaasadda inay si buuxda uga qeyb qaataan wada-hadallada marka dib loo bilaabo, si loo gaaro natiijooyin wax ku ool ah oo horseeda hannaan doorasho oo lagu wada qanacsan yahay.
“Waxaan rajeynaynaa in wada-hadalladu si dhaqso leh dib ugu bilowdaan si loo helo waddo horay loogu socdo oo ku saabsan doorashooyinka Soomaaliya,” ayay u sheegtay Dawan Media.
Baaqa kasoo baxay Midowga Yurub ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay wajahaysa khilaaf siyaasadeed oo xooggan oo ku saabsan nooca doorashooyinka, muddo xileedka hay’adaha dowladda iyo hannaanka lagu gaari karo doorasho qof iyo cod ah.
Khilaafka ayaa sii xoogeysanayay toddobaadyadii u dambeeyay, iyadoo dowladda federaalka, mucaaradka iyo qaar kamid ah dowlad-goboleedyada ay isku hayaan arrimaha dastuurka, maamulka doorashooyinka iyo heshiisyadii siyaasadeed ee hore.

















