• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Saturday, September 12, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

Dowladda Soomaaliya Oo Shaacisay Xilliga La Filayo Natiijada Qodista Shidaalka

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
4 months ago
Reading Time: 3 mins read
Dowladda Soomaaliya Oo Shaacisay Xilliga La Filayo Natiijada Qodista Shidaalka
Share

Wararka24: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay filayso natiijooyin rajo leh dhammaadka sanadkan, kadib markii si rasmi ah loo billaabay qodista shidaalka iyo gaaska xeebaha Soomaaliya, iyadoo mashruucaasi ay iska kaashanayaan Soomaaliya iyo Turkey.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa sheegay in iskaashiga labada dal uu galay marxalad cusub oo ah qodista ceelasha shidaalka, kadib markii la soo gabagabeeyay sahankii dhul-badeedka iyo falanqeynta xogihii laga helay.

“Wadashaqeynta Soomaaliya iyo Turkiga ee dhinaca hydrocarbons-ka waxay hadda gashay marxaladdii labaad, taas oo ah qodista,” ayuu wasiirku u sheegay wakaaladda Anadolu.

Markabka qodista shidaalka ee Çağrı Bey ayaa bishii hore gaaray xeebaha Muqdisho si uu u bilaabo qodista ceelka Curad-1, oo la filayo inuu gaaro qoto dhan 7,500 mitir.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay rajo wanaagsan ka qabto in dhammaadka sanadkan la helo natiijooyin muujinaya suurtagalnimada shidaal ama gaas ganacsi ahaan loo soo saari karo, inkastoo uusan sheegin qiyaasta kaydka laga filayo.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in mashruucan uu door weyn ka qaadan karo kobaca dhaqaalaha dalka, shaqo abuurka iyo soo jiidashada maalgashiga shisheeye, haddii la xaqiijiyo jiritaanka kayd shidaal iyo gaas oo la soo saari karo.

Wasiirka ayaa xusay in heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga aanu ku koobnayn sahminta shidaalka oo keliya, balse uu sidoo kale xoogga saarayo tababarro iyo dhisidda khibradda farsamo ee Soomaalida, si mustaqbalka ay ula wareegaan howlaha ay hadda wadaan khubarada shisheeye.

Mashruucan ayaa daba socda sahanno uu horey uga sameeyay badda Soomaaliya markabka seismic-ka ee Oruç Reis, kaas oo xog ururin ka sameeyay qaybo kamid ah biyaha Soomaaliya.

Howsha qodista ayaa la filayaa inay socoto muddo u dhexeysa lix ilaa sagaal bilood, iyadoo lagu saleynayo xaaladaha cimilada iyo badda, waxaana mashruucan loo arkaa mid muhiim u ah mustaqbalka tamarta iyo dhaqaalaha Soomaaliya.


Share

Recommended

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

Somaliland oo cambaareysay isku daygii weerarka Trump

5 months ago
Cabdikariin Cali Shaah

Fannaanka Cabdikariin Cali Shaah oo xorriyaddiisa dib u helay?

12 months ago
Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

Muhaajiriin badan oo Soomaali ah aya lagu qabtay howlgal ka dhacay caasimadda Tripoli

4 months ago
Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

Xog dagaal culus oo xalay dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan

7 months ago
Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

Shan qof oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Iiraan

3 months ago
Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

Xasan Cali Khayre oo Muqdisho kula kulmay dhalinyaro?

1 year ago
Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

Ra’iisul wasaare Xamza: Caalamkii Soomaaliya ka fogaaday ayaa dib u soo laabanaya

3 months ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.