• About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy
Thursday, July 23, 2026
Wararka24
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
No Result
View All Result
Wararka24
No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us
Home Somalia

DAAWO: Mucaaradka Oo Shir Xasaasi Ah La Leh Odayaasha Dhaqanka

Amin Cali Abdi by Amin Cali Abdi
2 months ago
Reading Time: 2 mins read
DAAWO: Mucaaradka Oo Shir Xasaasi Ah La Leh Odayaasha Dhaqanka

Wararka Ugu Aqrintabadan

Soomaaliya iyo Koonfurta Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga + sawiro

Soomaaliya iyo Koonfurta Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga + sawiro

8 hours ago
Trump oo Sheegay inuu Diyaar u Yahay Wadahadal uu la Yeesho Xisbullaah

Trump oo Sheegay inuu Diyaar u Yahay Wadahadal uu la Yeesho Xisbullaah

8 hours ago
Load More
Share

Wararka24: Hoggaamiyeyaasha mucaaradka Soomaaliya ayaa maanta kulan xasaasi ah magaalada Muqdisho kula yeeshay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, iyadoo diiradda lagu saarayo xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo dadaallada lagu yareynayo xiisadaha taagan.

Kulanka oo ka dacay hoteelka Jasiira ayaa la sheegay in looga hadlayo muranka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka, gaar ahaan arrimaha la xiriira hannaanka doorashooyinka iyo sidii loo heli lahaa is-afgarad siyaasadeed.

Odayaasha dhaqanka ayaa horey kulamo gaar gaar ah ula yeeshay labada dhinac, iyagoo wada dadaallo lagu doonayo in lagu abuuro jawi wada-hadal iyo isu soo dhowaansho siyaasadeed.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmahan martigelisay dibadbaxyo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo kala duwan, kuwaas oo ka tarjumaya kala aragti duwanaanta dhinacyada siyaasadda ee ku saabsan mustaqbalka doorashooyinka dalka.

Dhanka kale, saraakiisha amniga ayaa ku baaqay in la ilaaliyo nabadda iyo kala dambeynta, iyagoo sheegay in la qaadi doono tallaabooyin looga hortagayo fal kasta oo halis gelin kara amniga guud ee caasimadda.

Ilaa iyo hadda ma jirto war rasmi ah oo kasoo baxay kulanka socda, hase yeeshee waxaa si weyn isha loogu hayaa natiijada wada-hadallada iyo saameynta ay ku yeelan karaan xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli ay sii xoogeysanayaan dadaallada lagu raadinayo xal siyaasadeed oo lagu dhameyn karo khilaafaadka ka taagan hannaanka doorashooyinka Soomaaliya.

DAAWO

Share
Tags: Madax weynaha Xasan Sheekhwararka caalamkawararka mantawararka somaliaWararka24 manta
Previous Post

Liiska Xildhibaannada Cusub Ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo La Shaaciyay

Next Post

Dowladda Soomaaliya Oo Shaacisay Xilliga La Filayo Natiijada Qodista Shidaalka

Related Posts

Soomaaliya iyo Koonfurta Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga + sawiro

Soomaaliya iyo Koonfurta Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga + sawiro

by Amin Cali Abdi
8 hours ago

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta xarunta wasaaradda kulan...

Trump oo Sheegay inuu Diyaar u Yahay Wadahadal uu la Yeesho Xisbullaah

Trump oo Sheegay inuu Diyaar u Yahay Wadahadal uu la Yeesho Xisbullaah

by Yasmin Jamal
8 hours ago

Wararka24: Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu wadahadal la yeesho ururka Xisbullaah haddii...

Culimada Soomaaliyeed oo Ku Baaqay Wada Hadal u Dhexeeya Somaliland iyo Waqooyi Bari

Culimada Soomaaliyeed oo Ku Baaqay Wada Hadal u Dhexeeya Somaliland iyo Waqooyi Bari

by Yasmin Jamal
8 hours ago

Wararka24: Wafdi culimo Soomaaliyeed ah oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Bashiir Axmed Salaad, ayaa ugu...

Xiisad ka Taagan Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud oo Sababtay Dhimasho iyo Dhaawac

Xiisad ka Taagan Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud oo Sababtay Dhimasho iyo Dhaawac

by Yasmin Jamal
9 hours ago

Wararka24: Ugu yaraan laba qof oo rayid ah ayaa ku dhintay, tiro kalena way ku dhaawacmeen kaddib rasaas...

Abwaan Aadan Tarabi Jaamac oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa

Abwaan Aadan Tarabi Jaamac oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa

by Yasmin Jamal
10 hours ago

Alle ha u naxariistee, Abwaan Aadan Tarabi Jaamac, oo ka mid ahaa hal-abuurkii ugu magaca dheeraa suugaanta Soomaaliyeed,...

Dalalka Midowga Afrika oo ka digay in howlgalka AUSSOM uusan sii socon karin xili walba

Dalalka Midowga Afrika oo ka digay in howlgalka AUSSOM uusan sii socon karin xili walba

by Yasmin Jamal
11 hours ago

Wararka24: Qaar ka mid ah dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika ayaa sheegay in Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta...

Load More
Next Post
Dowladda Soomaaliya Oo Shaacisay Xilliga La Filayo Natiijada Qodista Shidaalka

Dowladda Soomaaliya Oo Shaacisay Xilliga La Filayo Natiijada Qodista Shidaalka

Cali Cabdullaahi Cosoble Oo Shariif uga digay go’aan la mid ah kii Jeneraal Caydiid

Cali Cabdullaahi Cosoble Oo Shariif uga digay go’aan la mid ah kii Jeneraal Caydiid

Axmed Madoobe oo si kulul u weeraray Xasan Sheekh

Axmed Madoobe oo si kulul u weeraray Xasan Sheekh

Recommended

Sanbaloolshe oo ka hadlay caqabadaha DF ee dagaalka Al-Shabaab

Sanbaloolshe oo ka hadlay caqabadaha DF ee dagaalka Al-Shabaab

3 months ago
Washington post

Washington Post oo Ka Hadashay Qorshaha Trump ee Soomaaliya

1 year ago
Golaha Mustaqbalka oo soo jeediyay hindise cusub oo doorasho qof iyo cod ah

Golaha Mustaqbalka oo soo jeediyay hindise cusub oo doorasho qof iyo cod ah

1 week ago
Cali Guudlaawe iyo Muungaab oo Muqdisho ku yeeshay kulan xasaasi ah

Cali Guudlaawe iyo Muungaab oo Muqdisho ku yeeshay kulan xasaasi ah

4 months ago
Sacuudiga oo dil toogasho ah ku fuliyay saddex muwaadin oo Soomaali ah + Magacyada

Sacuudiga oo dil toogasho ah ku fuliyay saddex muwaadin oo Soomaali ah + Magacyada

3 weeks ago
Mahad Salaad

Mahad Salaad oo Mar Kale Loo Magacaabay Agaasimaha NISA

1 year ago
Muuse Biixi oo Somaliland uga digay isbeddellada siyaasadeed ee gobolka

Muuse Biixi oo Somaliland uga digay isbeddellada siyaasadeed ee gobolka

4 weeks ago
ADVERTISEMENT
Wararka24

Wararka24.com is a leading Somali news platform committed to delivering accurate, timely, and unbiased news. Our mission is to keep our readers informed with the latest developments in politics, business, entertainment, and global affairs.

  • About us
  • Contact Us
  • Terms and Conditions
  • Privacy Policy
  • Editorial Policy

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.

No Result
View All Result
  • Home
  • Manta
  • Somalia
  • Caalamka
  • Afrika
  • Bulshada
  • Somali celebrity
  • Ciyaaraha
  • Contact Us

© 2025 Wararka24. All Rights Reserved.